Dhisitaanka Qoys Muslim Ah Oo Wanaagsan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhisitaanka Qoys Muslim Ah Oo Wanaagsan.
August 19, 2014 - Written by Editor:

Diinta Islaamku waxa a y ka yeeshay guurka   mid cibaado u ah addoomaha, oo ay Rabigood ugu dhawaanayaan, hadii si kale   aan u dhignana , guurku waxaa weeyaan nus ama qeyb ka mid ah qofka diintiisa,   taaso maalinta uu guursado uu dhamaystiray qeyb diintiisa ka mid ah. Dhisida   guriga ama reerka wanaagsan waa qeyb ka mid ah mujtamaca, waana asaaska   mujtamaca wanaagsan halka uu ka bilaabmo.

Haddaba muhiimada guurku maaha mid   ku kooban in qofku u guursado hammi ama baahi jinsi ahaaneed, kaaso aan ku   dhisnayn xikmadda iyo sirta ka dambaysa guurka.

Guurku maaha mid lagu gaadho dan   gaar ah, sida adduunyo, lacag, magac iyo sumcad , laakiin waa mid lagu gaadhayo   raali ahaansho Rabbi, iyo xassilooni naf ahaaneed, iyadoo qofka uu ka dhigayo   mid dhawrsoon, masuuliyad Allaah saarayna uu qaadayo, masuuliyadaas oo ah mid   qofka markuu guursado imanaysa, sida masuuliyada reerka dhaqaalihiisa,   tarbiyadda carruurta, hab dhaqan wanaagsan oo labada qofba ku wada noolaadaan   iyo dabcan mid waliba inuu ilaaliyo xaqqa kan kale ku leeyahay.

Haddaba naftu waxii ay barato ayay   dhaqangelisaa, waana mid xaqiiq ah. Qofku markuu rabo inuu guursado, waxaa   habboon inuu thaqaafada guurka iyo nolosha qoyskana wax ka barto, isagoo raad   raacaya Qur’aanka iyo sunnada iyo kutubta islaamiga ah ee culimadu ka qoreen   guurka.

Waxaa is waydiin leh, qofka   muslimka ah marka ay hor timaado kaalintan uu ku dhamaystirayo qeyb ka mid ah   diintiisa, miyuu iska guursanayaa, ?. Qofkii guur usoo bandhigaba miyuu ka   aqbalayaa?. Ama ma xasuustaa sifooyinka qofka uu rabo inuu nolosha la   wadaago, ee durriyada wanaagsan ka dhalan karaan?

Waxaa laga horraysiiyay guurka dan   gaar ah, dantii marka la gaadhana waxaa timaada in guurkaba ay ka   muhiimsanayd dantaasi oo reerka la dhisayba waxuu u burburaa dantaas lagu   gaadhay guurka, ama waxuu noqdaa mid aan ku dhisnayn farxaddii iyo noloshii   saciidka ahayd ee la rabay.

Qofka guursanaya si guurku u  noqdo mid u hagaaga waxaa habboon inuu tixgeliyo oo muhiimada siiyo in guurkiisa uu ka   fiirsado.

Waxaa muhiim ah ugu horrayn, in   labada qof yihiin kuwo Allaah subxaanahu watacaalaa addeeca, oo xidhiidh   wanaagsana la leh, hadii taasi aanay jirin, oo aanad Allaah xidhiidh la   lahayn, dhinac walba oo noloshaada ah faashil ayaad ka tahay, aakhirona waa   khasaare xaalkaagu hadii aad sidaas ku dhamaysato nolosha adduunka. Waxa   hubaal ah qofka waajibaadka saaran kasoo bixi waayay inaanu ka soo baxayn   masuuliyadda guurkana, ama aanu noqonayn mid qeyb ka noqda guriga wanaagsan   dhisidiisa. Hadii labada qof ee is guursanayaa yihiin laba aan dan gaar ah   isku dooran Allaah cazza wajal ku xidhan, waajibka saarana oofinaya, oo midna   gaabis ahayn, waxay dhaxli karaan bi’idnillaah guri xassiloon.

Marka labaad naftaada kusoo dhis   daacada Allaah subxaanahu watacaalaa, intaanad guursan ka hor, ha qabsato   waajibaadkeeda, ha noqoto mid ah “nafsu mutmainah,”. Naftaada oo aad guurka   ka hor soo dhistaa waxay tusaale u noqonaysaa akhlaaqda iyo tarbiyada dadka   ka dhalanaya guurkaaga, iyo dhaqanka wanaagsan oo aad kula noolaato   xaaskaaga. .

Maaha wax natiijo fiican aad ka   gaari karto hadii aad tidhaa markaan guursado ayaan wax walba iska baran oo   ku dhaqmi. Waxay keenaysaa taasi khalad badan inaad kala kulanto la qabsiga waxyaalo badan oo aanad muhiimad siinin inaad barato guurka ka hor. Nolosha   lammaanahu markay bilaabanto maaha mid tababar lagu qaadanayo, oo waxyaalo   aanay naftu hore usoo baran lagu dhexbaranayo guurka.

Tusaale ahaan haddii aad maanta   rabto inaad shaqo dalbato, shaqadaasina ay u baahantahay shuruudo gaar ah, oo   ay ka mid tahay , in waxan lagu shaqaynayo qofku aqoon hore u leeyahay, ma   dalban kartid shaqadaas, maxaa yeelay aqoonteeda maba lihid mana kasoo bixi   kartid, sidaaso kale guurku waxuu u baahanyahay inaad naftaada soo barto   thaqaafada guurka iyo nolosha lammaanaha.

Guurkaaga oo aad u doorato qofka   wanaagsan, adigoo siffaha qofka wanaagsan garanaya, waxaa uu noqonayaa mid   kugu saacida nolosha aad rabto inteeda kale, siffaha qofka wanaagsana, waxaa   ugu muhiimsan qof Allaah xiriir la leh waajibkii saarnaana ka soo baxay,   waxii Allaah cazza wajal ka reebay ka dheer, waxii la farayna sidiisa u   gudanaya.

Guurka markuu sidaas ku bilaabmo,   waxaynu ka rabnaa inaynu ka dhaxalno durriyad saalix ah, oo fikirka caqliga,   tarbiyada iyo hammigoodu yahay kan islaamka. U fiirso addoomaha Allaah markay   doorteen dad saalix ah oo ay guurka la wadaageen , ducadoodu siday ahayd.

Suura Al-Furqaan – 74 ((ربنا هب   لنا من أزواجنا وذرياتنا قرة أعين واجعلنا لمتقين إماما))

Rabbigayoow hibo noogu sii   zawjaadkayaga iyo durriyadayada inay noqdaan kuwo aanu ku il doogsano, oo   nagu gaadhsii darajada kuwa Allaah ka cabsaday.

Ku ducayso mar walba in Allaah   kaaga yeelo durriyadaada mid aad ku doogsato, durriyada saalixa ah waa midda   Qur’aanku inoo sheegay, in maalinka aakhiro dadka kuwa durriyadoodu imaanka   ku raaceen , iyagana dhammaantood maalintaas uu Allaah subxaanahu watacaalaa   jannada isugu keeni doono.

Suura At-Tuur.. 21 ((والذين امنوا   واتبعتهم ذريتهم بأيمان الحقنا بهم ذريتهم وما التناهم من عملهم من شئ كل امرئ   بما كسب رهين

Waxaa inbadan maanta dhacda in   qofku ku doorto qofka kale waxyaalo aan baaqi noqonayn, ama noloshiisa raad wanaagsan ku yeelanaynin. Doorashada qofka aad guurka la wadaagaysaa waa inay noqoto in qofkaas waxyaaalo naftaada anfacaya aakhiro iyo adduunkaba aad ku   doorato, aakhirona waad ku liibaani, adduunkana nolol fiican oo aad ka raali ahaato ayaad ku noolaan.

Xadiithkii Rasuulka calayhi   affdallu sallaatu wassalaam uu ku sheegay siffaha haweenayda loo guursado ama   lagu doorto, waan wada garanaynaa, kaaso ahaa in haweenayda loo guursado   affar, maalkeeda, quruxdeeda, nasabkeeda ama ehelka ay ka dhalatay, iyo   diinteeda.

Waxaa la sii xoojiyay oo Nebigu yidhi calayhi assallaatu   wassalaam, ku guulayso tan diinta leh. Halkaas waxaad ka fahmaysaa in qofka   diinta leh uu yahay kan ku anfacaya, noloshaada farxadeedana raad ku   yeelanaya. Laakiin qofka marka horeba gaabinaya, ee ka gaabiyay waajibkii naftiisa saarnaa, waa adagtahay inuu gudo waajibka saran iyo xaqa naf kale   ay ku leedahay.

 

by:- Mohamed Ali Mataan.

 

COMMENTS
LINKS