Dawladda Jabuuti Oo Ka Hadashay Rasaas Sababtay Dhaawac Oo Madaarka Ka Dhacday Xili Madaxweynuhu Garoonka Ka Soo Degayay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Jabuuti Oo Ka Hadashay Rasaas Sababtay Dhaawac Oo Madaarka Ka Dhacday Xili Madaxweynuhu Garoonka Ka Soo Degayay.
August 26, 2014 - Written by Wariye:

ismaacil cumer geeleDJabuuti(Wajaale News):- Madaxtooyada Dalka Jabuuti ayaa beenisay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka badbaaday isku day dil Shalay galabtii ka dib markii Rasaasi ka dhacday Garoonka Diyaaradaha oo uu ku sugnaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Askariga Rasaasta riday gacanta lagu hayo.Warsaxaafadeedka soo baxay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti ee loo yaqaan Ciidanka Jamhuuriga, ayaa lagu sheegay in Ciidanku ka cudur daaranayo Falalka aan ku tala galka ahayn ee ka dhex dhaca ciidanka oo falkanina ka mid ahaa.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Rasaasta ay ku dhaawacmeen laba qof oo midkood yahay Sarkaal sare oo ciidanka ka tirsan, ahna dhakhtarka Ciidanka Jamhuuriga oo lagu magacaabo Kornayl Idiris. Waxa lagu sheegay in markiiba la xakameeyay Xaaladda garoonka islamarkaana gacanta lagu dhigayAskariga Rasaasta furay.

Warsaxaafadeedka ayaan lagu sheegin sababta keentay in Askarigu rasaasta rido iyo cida uu ku bartilmaameedsanayay toona, hase ahaatee waxaa lagu xusay in baadhis lagu samaynayo sababta keentay in Askarigu rasaasta furo.

Madaxweynaha Jabuuti oo safar kaga soo laabtay dalka Ethiopia ayaanay waxba ka soo gaadhin Rasaasta Garoonka ka dhacday oo aan ilaa hadda la ogayn cida lagu beegsanayay.

 

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Email:habane00@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS