Dawladda Jabuuti ayaa si faahfaahsan uga hadashay sidii uu u dhacay Falkii lagu dhaawacay Dhakhtarka Madaxweynaha DJabuuti . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Jabuuti ayaa si faahfaahsan uga hadashay sidii uu u dhacay Falkii lagu dhaawacay Dhakhtarka Madaxweynaha DJabuuti .
August 27, 2014 - Written by Wariye:

DJabuuti(Wajaale News):-Dawladda Jabuuti ayaa si faahfaahsan uga hadashay sidii uu u dhacay Falkii lagu dhaawacay Dhakhtarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo laba Askari oo kale wakhti Madaxweynaha Jabuuti ka soo degay Madaarka. Wasiirka arimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay inuu Askariga falkan gaystay sheegtay Arimo gaar ah oo isaga iyo dhakhtarka Madaxweynaha ka dhexeeyay, inkasta oo aanu faahfaahin dheeri ah ka bixin.Wasiirka oo u waramay VOA ayaa siday wax u dhaceen ka war bixiyay Ugu horayn “Diyaaraddii Madaxweynaha Siday oo garoonka taala, madaxweynihiina uu ka dhaadhacay oo garoonkii uu ka baxay, markaa Wasiiraddii Madaxweynaha la socday oo Baabuurtooda ku sii socda, ayaa Nin waardiye ah soo Orday oo wuxuu toogtay Dhakhtarkii Madaxweynaha. Markaa dhawr xabadood baa dhacay Dhakhtarkuna wuu dhaawacmay, laba saddex xabbadood baa ku dhacay, rasaas kalena Gidaar bay ka soo booday oo askari bay ku dhacday, rasaas kalena Nin kale oo Askari ah ayay lugta kaga dhacday. Markaa markiiba waa la qabtay Ninkii Xabbadda riday, dhakhtarkuna wuxuu ahaa dhaawac aad iyo aad u culus” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada JabuutiWasiirku waxa uu sheegay in Dhakhtarka Madaxweynuhu dhaawac halis ah yahay, balse uu soo roonaanayo Allena Caafimaad uga baryayaan. “Ninkii Askariga ah ee Xabbadda riday waa la qabtay, baadhitaankiina wuu socdaa. Waa Nin Askari ah oo yar oo waxyaabo gaar ah oo badan buu sheegtay baa la yidhi laakiin, wax shakhsi ah ayuu ilaa imika ka hadlayaa.baadhistaa wixii ka soo baxana kolay dhawaan baynu helaynaa”Ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirka oo la waydiiyay cida uu Askarigu Bartilmaameedsanayay ayaa ku jawaabay “Wasiiradu meesha way wada joogeen, kuwii Madaxweynaha la socday iyo kuwii soo dhawaynayay ba, waxaas oo dhan wuu iska garab maray, Askartii kalena wuu iska garab maray, wuxuu doontay uun Dhakhtarka.haddii uu doonayo inuu wasiirada dilo waanu wada joognay meesha, haddii uu madaxweynaha u jeedana Madaxweynaha oo jooga ayuu rasaasta ridi lahaa laakiin, Dhakhtarka ayuun buu ku soo orday markuu ku soo dhawaadayna xabbadda ayuu ku furay”Ugu dambeyntii Wasiirka Arimaha dibada Jabuuti oo la waydiiyay in dhacdadani xidhiidh la leedahay Qaraxii u horeeyay ee Jabuuti ka dhacay oo Bishii May ee sanadkan Magaalada Jabuuti ka dhacay waxa uu yidhi “Maya maya, habayaraatee labadaas dhacdo xidhiidh kama dhexeeyo, sidaad ogtihiin ficilkii Argagixisadu ku dhaqaaqday 24-kii May, aad iyo aad baan ugu guulaysanay baadhistiisa, dad badan ayaanu qabanay, dadkaasina warar badan bay na siiyeen, markaa waxaanu hubnaa boqolkiiba boqol inaan arintan Garoonka ka dhacday iyo dhacdadii May 24-keedii dhacday wax xidhiidh ah lahayn habayaraatee” Hargaysa OfficeWajaalenews.netEmail:habane00@gmail.comWariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS