|
|||||
WAJAALE NEWS
Danta dadka iyo degaanka ma aha mid u-gaara shaqsiyaad
August 30, 2014 - Written by Editor:waxaan halkan salaan huwan qiimo iyo qaayoba halkan uga dirayaa dhaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakada Wajaalenews oo ah mid ku caan baxday dhex dhexaadnimo iyo cadaalad, waxaan marlabaad halkan ka salaamayaa dhamaan asxaabta qiimaha badan ee aan ku leeyahay dhamaan dacalada aduunka, intaa ka dib waxaan jeclahay in aan kusoo gudbiyo barta loogu tala galay gudbinta fariimaha iyo odhaahda macquulka ah in lagu baahiyo,kaas oo ah hadal aan badnay balse huwanmacna weyn oo ah fariin,waano, iyo digniin,khuseysa shirwaynaha ka dhacaya gobolkayga, uuna fahmi karo kii uu maskax alle siiyey, Aniga oo ah muwaadin kasoo jeeda gobolka badhan waxaa igu maqaale ah ama aan maqlay in gobolkayaga uu ka bilaawday shir wayne mudo la hadal hayey kaas oo ay isugu imaanayaa dhamaan beelaha walaalaha ah oo kala haybta duwan ee ku dhaqan gobolkaas, shirkan ayaa hadafkiisu waxa uu ahaa in lagaga tashado aayaha iyo masiirka gobolka iyo bulshada ku dhex nool sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen hurumarka baahsan ee ka jira dalka ama geyiga aynu ku dul noolahay sida aynu ka warqabnana gobolku yahay mid aan haba yaraatee lahayn dhamaan qaybaha daboola baahiyaha bulsheed kuna haga horumarka iyo aayaha mustaqbal ee muhiimka u ah, kana saara dib u dhaca iyo wixii la hal maala kaas oo gobolkaygu ku caan baxay, alle haka saaree. Hadaba hadii ay bulsho wax garadkeedu meel isugu yimaadaan waxaa muhiim ah in ay ka taliyaan aayaha wanaagiisa iyo sidii loo heli lahaa in laga boxo wixii uu dhaqankeena wanaagsani uusan inoo ogolayn kaas oo ah wixii alle raali ka yahay keenayana horumar iyo is jacayl, uusana noqon mid sii huriya isnacayb huwan dibudhac iyo kala fogaanshiyo aan gabiil iyo gar loo qaado toona lahayn. waa hubaal ah in hadii laga taliyo aayaha iyo danteena lagu gaadhi karo rabitaaniyo is jacayl wax wada qabsi keena danta guud ee bulshada, waxaana sida runta ah taas lagu gaadhi katraa, waa in shirka laga seerayaa kuwa caadaystey danaha gaarka u ah had iyo jeerna tantooda ka hor mariya danta bulshada muuhiimna ka dhiga rabitaan kooda, waana kuwa laysla yaqaane, danaystuhu wuxuu ku caan yahay wanaag wadaha iyo ka shaqayahay danta guud ee bulshada wuxuu u yaqaan cadaw ama wuxuu tusaa indhaha maatada dhalanteed ku aroora dantiisa oo keli ah. hadaba waxaa alle awood ii siiyey ka talinta aayeed wax tareed ee dadkayga iyo degaankaygaba uma dulqaadanayo wixii dhib ku ah ama ku keenaya, waxaan ahay mid hadal iyo hiilba wax kaga qabanaya taasina ay tahay waajibkayga oo aan gutey ama gudanayo, kuna ah qofkasta oo damiirkiisu yahay mid wanaagsan, kana soo jeeda degaank in uu wax ka qabto kuwa kala dilaya danta umadda. Kalana fogaynayassi dib u dhaca degaankeenu uusan uga bixin,waxa caqabadda ku ahdegaanka waa mid indhaha wax garadku arkayaan. Danahabulshed iyo horumarku ma aha mid hayb ama isir ku yimaada ee waa kii ku yimaada yaa awood iyo kartiba u leh in uu wax ka bedelo xaalada taagan aqoonteeda leh keeni karana is bedel xaaladeed. sidee ayaa laysugu soo dhowayn lahaa dan wadaagta iyo degaan wadaagta walaalaha ah ayaa ka kow ah, iyadoon loo eegeyn hab qabiil dadkana loo bari lahaa wax wada qabsiga iyo aayaha ay leeyihiin. in la aaminaa waa muhiim in ay tahay cida ay wax ka dhexaysaa in ay tahay jabad wadaag,jidiin wadaag, iyo jid wadaage, aysan ahayn in loo gacan haadiyo hayb mid aad wadaagtaan oo aan haba yaraatee wax dan ahi aysan idinka dhexayn, aadna ka jeclaato mid kula dan iyo degaan wadaag ah. oo aad dafirto kan ,xanuunka dushaada ka muuqda ee ah mid aan la dafiri karinayaa wuxuu u baahan yahay in lagaa dawayo waa gobolkaygee,
si aad uraali geliso kan hayb wadaagta aad tihiin laguma gaadho duruufaha nololeed macaankooda balse waxaa lagu gaadhaa yaa isku dan tihiinoo aad wax wada qabsataan aniga oo soo koobaya waxaan ku waanin lahaa ku wanaaga jecel oo aanu isku dan iyo degaan wadaagba nahay, waxa inoo wanaagsan aayaha iyo horumarka degaankeena, oo u baahan in aan ka shaqayno, waain laga sinaadaa sidii gacanta laysu qabsan lahaa oo hal meel loogu wada dhaqaaqi lahaana laga tashadaa oo shirka guntiisu ahaataa, cidii laga arko dan gaar ahna hal meel looga soo wada jeensan lahaa cadawna loogu arki lahaa, iyada oo aan loo eegayn hayb iyo wixii la mid ah, oo laga shaqayaa isu keenida iyo is jeclaysiinta degaan wadaagta hamuumta u qaba cidii bari lahayd dantooda kuna hagi lahayd wadada horumarka, waxaan kusoo ururinayaa wixii qalad ah ee aan galay alle ha iga dhaafo in lay soxona diyaar ayaan u ahay.talo waa tan allee taladaydu waa danta wanaageeda ha loo sinaado hana laga gudbo habka caajisey ee qabyaaladu aafaysay ee ku habsatey degaankayga,waxaan mahad u naqayaa allaha weyn ee inoo abuuray sida sharafta iyo quruxda badan inan siiyey sharaafta iyo cisiga aan la dafiri karin, waxaan kaloo u mahad celinayaa kuwa wanaaga iyo walaaltinimadu naga dhexayo waxaana leeyahay noqda kuwii garta wixii alle faray kana dheeraada wixii alle ka reebay oo dhan isuna tanaasula dantoodana garta
muuseaxmed maxamuud muuse faralaab 0634206242 Xujaale40@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|