Danjire Nicholas Kay Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Aadan Qabsashada Somaliland Ee Saax-dheer. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danjire Nicholas Kay Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Aadan Qabsashada Somaliland Ee Saax-dheer.
August 29, 2014 - Written by Wariye:

nicloskeyHargeysa(WJN):-Danjiraha Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Nichalas Kay ayaa sheegay inuu ka xun yahay Dagaalka Somaliland ku qabsatay Saax-dheer maalintii shalay, halkaasi oo kooxda Cali Khaliif Galaydh na ka baxsatay. Waxa uu soo jeediyay in wada hadal lagu dhameeyo waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay.

“Aad baan uga walaacsannahay xaaladda Saax-dheer. Dhammaan dhinacyada oo dhan (Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif) waa inay sameeyaan dedaal kasta oo lagu joojinayo, laguna dejinayo rabshadaha,” ayuu yidhi Mr. Nicholas Kay farriin ku baahiyay Bartiisa Twitter.

Waxa kaloo Ergaygu ugu baaqay dawladda Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif Galaydh in hannaan nabadgelyo lagu xalliyo muranka u dhexeeya, waxaannu yidhi; “Waa in dhinacyadu murranka iyo waxyaabaha ay ku kala aragti duwan yihiin ku xalliyaan wadahadal loo marayo hannaan nabadgelyo.”,

Nicholas Kay ayaa dhawaan Somaliland ku yimid safar lagu sheegay in Bog cusub oo wanaagsan loogu furayo Somaliland iyo Qaramada midoobay, hase ahaatee Nicholas kay markii uu Somaliland ka noqday waxa uu sheegay in Somaliland ogoshahay dhisida federaalka Somalia.

 

 

 

 

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS