Dalka UGANDA: Fadeexad ka Dhalatay Sawirro laga qaaday Qaarkamida Madax oo shir dhex seexday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka UGANDA: Fadeexad ka Dhalatay Sawirro laga qaaday Qaarkamida Madax oo shir dhex seexday
August 5, 2014 - Written by Editor:

UGANDA(Wajaalenews)— Xiisad la xidhiidha gudasho la’aanta waajibaadka shaqo ee dowladda ayaa lagu soo eedeeyay xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Uganda,ka dib markii la sawiray, iyagoo hurda shirar muhiim ah oo madaxweynaha dalka Uganda uu ka qudbaynayay.

JPJ Qaran_Hurda

 

 

 

 

 

 

Moses Ali oo 74-sano jir ah kana mid wasiirada Uganda ayaa kaamiraddu ay qabatay isaga o xiran ookiyaale madow ah ,isla markaana ku jira hurdo macaan sida lagu qoray qaar kamid ah wargaysyada ka soo baxa Kampala.

Arintan ayaa lagu arkay afar sano ka hor goobo uu ka hadlayay Musavani, iyadoo wargaysyadu arintan cinwaan uga dhigteen qaran hurda (Sleeping Nation),taasi oo keentay in shaki laga muujiyo shaqada ay xubnahan dowladda iyo shacabkaba u hayaan.

“Markii aan ka shaqaynayay dowladda ,wax kasta si wanaagsan ayey ku socdeen, mana jirin sabab keeni karta in aan dhex-seexanno goobaha muhiimka ah “ayuu yiri Professor Edward Kakonge oo 1986-dii wasiir ka soo noqday dowladii ugu horeysay ee Musavani uu so dhiso Waxaa loogu baaqay dowladda in fursad ay siiso dadka dhalinyarada ah si looga gudbo habac-sanaanta iyo daalka ka muuqda siyaasiyiinta da’ada ah ee mudada soo shaqaynayay sida lagu xusay Sunday Monitor.

Bishii la soo dhaafay Tv-ga NTV ayaa soo bandhigay sawir laga qaaday madaxweyne Musavani oo hurda xilli ay socotay khudbad muhiim ah oo la xiriirtay miisaaniyad sanadeedka dowladda ,waxaana Uganda ay cadaadis badan kala kulmaysaa saxaafadda gudaha.

Ugu danbayntii Hellen Kaweesa oo ah afhayeenadda barlamanka dalkas oo la hadashay Aljazeera ayaa beenisay warar warbahinta qaar lagu daabacay oo sheegaya in idaacadaha iyo wargaysyada aan lo ogalaan doonin in si toos ah ay u tabiyaan kalfadhiyada dowladda.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS