DAAWO VIDEO: 66-Sano jir Soomaali Ah Oo Ku Faanay inuu Masiixi Yahay “Naagtaydii Xataa Waan Ka Dhigay Waa Diin Qaboow”. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO VIDEO: 66-Sano jir Soomaali Ah Oo Ku Faanay inuu Masiixi Yahay “Naagtaydii Xataa Waan Ka Dhigay Waa Diin Qaboow”.
August 12, 2014 - Written by Wariye:

Oday Soomaaliyeed oo 66 sano jir ah sheegtay inuu kusoo koray degmada Jilib ee gobol J/Dhexe ayaa sheegay in uu kusoo barbaaray tan iyo 11 jirkiisa Diinta Masiixiga.

Mukhtaar Arbow Cali wuxuu ku nool yahay dalka Kenya,  isaga iyo Lix Caruur ah iyo Hooyadood oo wada haysta diinka Kirishtaanka.

Mukhtaar wuxuu sheegay in uu dhashay 1947, wuxuuna tilmaamay in diinta uu ka baxay sanadkii 1958-kii.

Odaygan ayaa sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed oo haysta diinta Masiixiga lagu laayay Soomaaliya, wuxuuna codsaday in Soomaalida ay kasoo noqdaan falalkaasi ay ku laayeen dadka aan ku diinka aheyn.

Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya ayaa jira oo ka baxay diinta qabow ee Islaamka, kuwaasi oo qaarkood u geysay inay diintooda ugu baxaan nolol raadsasho, iyadoo ay jiraan ururo Soomaaliyeed oo dadka geliya diinta Masiixiga, dadkana u sheegaya in dalka Mareykanka loo qaadayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.

 

 

http://youtu.be/qML0deVnj_g

 

 

 
Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS