Daawo Tijaabo Ah Oo Loo Adeegsanayo Cudurka Ebola. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Tijaabo Ah Oo Loo Adeegsanayo Cudurka Ebola.
August 12, 2014 - Written by Wariye:

ebolaLondon(wajaalenews):-Hay’adda WHO oo oggolaatay in la adeegsado dawooyin tijaabo ah guddi ka kooban khubaro ka socoto hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa go’aan ku gaaray in dawooyinka aan horey bani’aadamka loogu tijaabinin loo adeegsan karo in lagu daweeyo dadka qaba caabuqa dhaliya cudurka Ebola ee galbeedka Afrika.

In kabadan kun qof ayaa ilaa haatan u dhimatay cudurkaasi Ebola.

Guddigani ayaa sheegay in marka loo eego marxaladda lagu jiro ay habboontahay in dawooyinka noocaasi ah ama tallaalkuba la siiyo dadka inkastoo aan la ogeyn siday wax tar u leeyihiin iyo waliba dhibaatada kale ee ka dhalan karto.

Dawadani aan horey loo tijaabinin ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa laba qof oo ameerikaan ah oo ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS