|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo ;Madaxweyne siilaanyo oo qaabiley Ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya Somalia
August 19, 2014 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Ambassador Nickolas Kay oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya dalkana soo gaashay shalay duhurnimadii. Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr Sacad Cali Shire iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali.
Kulankaasi ka dibna waxa halkaasi ka hadlay oo nuxurka kulanka saxaafada uga waramay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Ambassador Nickolas kay iyada oo saxaafaduna ay su’aalo halkaasi ku waydiiyeen. HARGEISA OFFIE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Faah-faahin Ka Bixiyay Halka Ay Marayso Diwaan Gelinta Hantid... Ciidamada Bashar Al Asad Oo Qabsaday Caasimadda Labaad Ee Dalkaas Iyo Dagaal Yahanadii Mucaaridka Oo... Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Xaflad Soo Dhaween Ah U Sameyey Tageerayaal Cusub Oo Ka Soo Jeed... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|