Cudurka EBOLA Oo Gaadhay NIGERIA Iyo Madaxda Dalkaasi Oo Gargar Dalbanaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cudurka EBOLA Oo Gaadhay NIGERIA Iyo Madaxda Dalkaasi Oo Gargar Dalbanaysa
August 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka caafimaadka dalka Nigeria, Onyebuchi Chukwu ayaa ku baaqay in dalkiisa laga caawiyo cudurka Ebola oo lagu arkay magaalooyin ka tirsan dalkaas ,waxaana uu uga soo gudbay dalalka dariska la ah gaar ahaan Liberia.

“Tani waa mid u baahan wax qabad deg-deg ah ,qof kasta oo adduunka ku nool maanta khatar ayuu ku sugan-yahay ,khibradda Nigeria ee arintan indhaha ayey u furi doontaa caalamka,“ ayuu yiri Chukwu oo khudbad ka akhirinyay barlamanka hortiisa.

Magaalada Lagos oo ay ku noolyihin dad dhan 21 Milyan oo ruux ayaa la sheegay in lagu arkay kiisas la xiriira cudurka Ebola ,iyadoo laamaha caafimaadka ay bilaabeen in ay takooraan dhowr ruux oo laga helay xanuunkaas.

Shan ruux oo kamid ah dadka laga helay Ebola ayaa la aaminsan-yahay inay yihiin shaqaale caafimaad ,isla markaana xanuunkan ay ka qaadeen ruux u dhashay Liberia, kaasoo u soo cararay xadka uu Nigeria la wadaago Liberia.

Afartan sano jir haysta dhalashada Maraykanka laguna magacaabo Patrick Sawyer isla markaana qaba xanuunkan ayaa isna laga dhex qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Lagos ,kaasi o markii danbe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalkaas.

Ugu danbayntii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday shir arintan looga arinsanayo ,iyadoo tirada xanuunkan ugu dhimatay dalalka Liberia iyo Sierra leone ay sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS