Ciidanka RRU-da oo Hawlgal ay sameeyeen ku soo Xidhay Laba Qof. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka RRU-da oo Hawlgal ay sameeyeen ku soo Xidhay Laba Qof.
August 9, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Ciidamada RRu-da ayaa Hawlgal ay saaka ka fuliyeen Magaalda Hargeysa waxay ku soo qabteen laba qof oo ay xabsiga u taxaabeen, RRU-da oo inta badan ka hortaga Arga gixisada ayaa labada Nin ee ay soo qabteen mid ka mid ah ka soo qabtay Suuqa Hoose ee Hargeysa Halkaasi oo uu ka shaqayn Jiray Hotel Waxaana la sheegay inuu seexan jiray Masaajid u dhaw Hotelka uu ka shaqayn jiray Horena Waxa la sheegay in loogu Xidhay Puntland mar uu ka yimd dhinaca Koon furta isagoo looga shakiyey Falal Arga gixiso nimo, halka Ka kalena ay ka soo qabteen Aga gaarka Schoolka Axmed Guray Halkaasi oo ku lahaa meel internet ah iyo Madarasad Masaajid isla goobtaasi ka agdhawna wuxuu ka ahaa Imaam, waxaana la sheegay inay Ciidamada Sirdoonku in mudo ah ku daba jireen  Dhaq dhaqaaqa Labadaasi Nin.

Madaama oo ay Ciidanka RRU-du yihiin Ciidan Si gaar ah loogu taba baray Arga gixisada, waxa loo aanaynaa in looga shakisan yahay labadan nin inay yihiin Arga gixiso ama ay Xidhiidh la leeyihiin hasa yeesha ilaa haatan ma cada, waxa  kale oo ay Wararka soo baxayaa Sheegayaan in la qabtay Qof seddexaan oo laga qabtay Xaafada Axmed Guray intii uu Hawlgalku socday.

 

COMMENTS
LINKS