|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Midawga Africa Oo Ku Dhawaqay Inay Somalia Ka Baxayaan Sanadka 2016-ka.
August 21, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaalenews):-Madaxa AMISOM Lydia Wanyoto Motende iyo Safiirka Somalia ee Uganda Sayid Axmed Daahir, Aya Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda u sheegay in sanadka 2016-ka dhamaan Ciidanka Midawga Africa ka bixi doono Somalia. Waxay sheegeen in hawsha Ciidanku hadda Somalia ka wado lagu wareejin doono Ciidanka Somalia, wakhtigaasi ka horna ay Al-shabaab ka sifaynayaan Dhulka ay ku hadhsan tahay.“Sida aanu qorsheynayno, waxaanu doonaynaa inaanu Soomaaliya ka baxno sannadka 2016-ka: waxaan caddeynayaa inaan doonayno inaan xilligaa ka baxno Soomaaliya. Inta ka horreysa muddadaas waxaanu doonaynaa inaanu Al-shabaab ka nadiifinno dalka oo dhan. Waxaan dhisi doonnaa awoodaha dowladda Soomaaliya, tanina waa geeddi-socodka aanu higsanayno,” Ayay tidhi Madaxa AMISOM Lydia Wanyoto. Danjire Sayid Axmed Daahir, ayaa isna sheegay in Dawladdu diyaar u tahay la wareeggista Gacan ku haynta Dalka “Ma jirin sannadihii lasoo dhaafay dagaallo waaweyn oo ka dhacayay, sidoo kale waxaan walaalahaya uga mahadcelinayaa taageeraadii ay na siiyeen. Hadda diyaar ayay dowladdu u tahay inay la wareegto maamulka dalka oo dhan. Waan soo dhaweynaynaa teegeerada dhinaca dhismaha ciidamada iyo tayeyntooda ee ay mar walba nala garab-taagan yihiin saaxiibbadeen, tanina waa mid aan u baahannahay si awood aan ugu yeelanno ilaalinta dalkeena,”Masuuliyiintan ayaa sheegay in AMISOM, Ciidanka Somalia siisay tababaro Awoodooda ku kor loogu qaadayo islamarkaana lagu ilaalinayo Xuquuqda Aadamaha.Ciidanka Somalia ayaan ilaa hadda lahayn Awood uu ku hanto Amaanka guud ee Somalia, iyadoo la sheegayo in dhaqaalihii dib loogu habayn lahaa Ciidanku uu ku baxo Kuwa AMISOM.
Hargaysa Office Wajaalenews.net Email:habane00@gmail.com Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane Related posts:“Hadii Aynu Siciid Iyo Daa,Uud Kala Nahayna, Anagu Kuma Raacsanin Dagaal la Qaado”Suldaan Maxamed ... Madaxwayne Geele Oo Cayimay Wakhtiga Uu Ka Dagayo Talada Dalka Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Itoobiya. WASIIRKUXIGEEN WASAARADA CAAFIMAADKA OO HESHIIS LAGASHAY NIN DHAKHTAR OO HARGEISA SHOW KU QABANAYA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|