Ciidamada Siilaanyo Sameynayo(OPU)Maaha Ciidan Shidaal Ilaalin Ee Waa Ciidan Loogu Talo Galay In Shacabka Lagu Cabudhiyo Marka Doorashada Madaxtooyada Dib Loo Dhigo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Siilaanyo Sameynayo(OPU)Maaha Ciidan Shidaal Ilaalin Ee Waa Ciidan Loogu Talo Galay In Shacabka Lagu Cabudhiyo Marka Doorashada Madaxtooyada Dib Loo Dhigo.
August 11, 2014 - Written by Wariye:

Beesha caalamka ayaa Maamulka Siilaanyo u diidey in ay sameystaan ciidan aan sharciga caalamka waafaqsanayn oo aan la jaanqaadi karin nabadgelyada geeska africa iyo caalamkaba,waxayna beesha caalamku la yabeen ujeedada maamulka Siilaayo ku keenay ama ka leeyahay in ay sameeyaan ciidan ka madaxbanaan ciidamada Militeriga iyo Booliska waxayna beesha calaamku u arkaan ciidan kasta oo aan sharci ahayni in uu mandaqada ku celinayo dagaaladii sokeeye ee 1991 iyo 1994–1997.

Maamulka Siilaayo ayaa u gogol xaadhanaya Mudo kordhin 2-3 sano ah,waxayna ku talo galeen in aan doorasho dalka ka

 
dhicin haday tahay mid madaxtooyo iyo haday tahay mid baarlamaan.

Si hadaba taasi ugu hirgasho Maamulka siilaanyo ayaa ku talo galay in ay sameeyaan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo u daacad ah oo ay kaga hortagaan kacdoon shacbi marka doorashada dib loo dhigo,waxaana hubaala in ciidamadaasi horseedi doonaan dagaalo sokeeye oo dalka ka curta iyo dhiig badan oo daata.

 

Ciidamada Siilaanyo Sameynayo(OPU)Maaha Ciidan Shidaal Ilaalin Ee Waa Ciidan Loogu Talo Galay In Shacabka Lagu Cabudhiyo Marka Doorashada Madaxtooyada Dib Loo Dhigo.

 

Xusuus:- Puntland ayaa hore ula heshiisey Shirkada Saracen oo ah calooshooda u shaqeystayaal Konfur African ah oo lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen cunaqabatayntii hubka ee Somaliya.

 

Somalilandcitizen

COMMENTS
LINKS