|
|||||
WAJAALE NEWS
Cabdilaahi Abokor Oo Markii Horaysay Si,qarsoodiya Maxkamada Loo Horkeenayo Iyo Xidhiidhka Ka Dhexeeya Imaatinka Wasiirka Madaxtooyada
August 9, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews)Warar Xogogaal oo ay shabakada wajaalenews heshay ayaa iftiimiyay in maalinta bariya si qarsoodiya maxkamada loo horkeenayo wasiirkuxigeen kii hore aMniga cabdilaahi abokor oo mudo u xidhaan xukuumada uu mudo dada katirsanaa kuwaaso oo xili habeenimo ah kala baxay gurigiisa kadib markii uu eedayn u soo jeediyay qaarkamida xukuumada siilaanyo , isagoo sheegay in ay jiraan kooxo xagjira awoodna ku leh golaha wasiirada. Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in aan wali lagaranayn cida ku mudiciga ah
Inkastoo oo wasiirada xukuumada qaarkamidihi dacwada ka riixayaan daaha dabadiisa, Dhanka kale bulsha waynta somaliland ayaa iswaydiinaysa waxa marwalba isku beega kiiska cabdilaahi abokor iyo wasiirka madaxtooyada oo isagu safar kasoonoqday halka xiligii cabdilaahi abokor gurigiisa lagala baxay uu wasiir xirsi ka yimid safar uu ku maqnaa kuna tilmaamay cabdilaahi abokor hadii uu caday waayo waxa u sheegayo , hadalkaasi oo xirsi kasoo yeedhay ayaa isla habeenkii ciidama RRU,da kala baxeen gurigiisa, waxa kale oo umada Somaliland kusii sawiran sidii hawlgalkii lagu soo qabanayay loo fuliyay iyo waxa hub iyo bambooyin loo isticmaalay Taasi oo ilaa imika qaar ka mida caruurtii uu dhalay wasiirkuxigeenkii hore ee amnigu lagula tacaalayo caafimaadkooda dhakhtarada dalka gudihiisa iyadoo lagu taliyay in aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karayn, arintaasi iyo tan maanta soo noqoshadisa iyo maxkamada bari ayaa dhalisay dareenwayn oo abuuray shiki, taasi oo bulshada tusaysa cida dacwaynaysa wasiirkuxigeenkii hore una xidhan yahay in ay tahay wasiirka madaxtooyada , ISKusoo wada duuboo xaalada wasiirkuxigeenkii hore ee amniga ayaa ah mid u eeg aargoosi siyaasadeed kuna tusaysa inuu hadalkii ka soo yeedhay ahaa mid dooxay silsilado kooxo diimeed oo ku dhex awoodaystay xukumada siilaanyo kuwaasi cidii ka hortimaadana u adeegsada awood ciidan ku tagri falayana awoodihii madaxwayne siilaanyo. WAJAALENEWS DESK faalo HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|