Beesha Cali Kh.Galaydh Oo Soo Saaray Bayaan ka dhan ah doorashadiisa & Khaatumo Magacaabayna Cidda Beesha Siyaasadda Uga Wakiil ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Cali Kh.Galaydh Oo Soo Saaray Bayaan ka dhan ah doorashadiisa & Khaatumo Magacaabayna Cidda Beesha Siyaasadda Uga Wakiil ah
August 26, 2014 - Written by Editor:

Garoowe(Wajaalenews) Kulan Ay Maanta Ku yeesheen magaalada Garoowe Issimada, waxgaradka, Siyaasiinta , Ganacsatada iyo Xubno ka tirsan Qurbo joogta beesha Ugaadh-yahan dhulbahante ayaa waxay kasoo saareen baaq ay ku cadeynayaan inaan loo dhamayn shirarka iyo doorashada maammulka Khaatumo ee todobaadyo ka hor lagu qabtay Tuulada Saaxdheer ee Gobolka Sool.

Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa ka koobnaa ilaa saddex qodob waxaana ka mid ahaa qodobada lagu xusay bayaanka beesha magacaabista xubin u matalaysa siyaasada gudaha iyo dibada afka beelaha ugaadhyahan-na ku hadlaya oo la isla gartey inuu noqdo Dr-Abdulaahi Xasan Maxamud (Spanish).

Sidoo kale bayaanka beesha Ugaadh-yahan kasoo saareen Garowe ayaa loogu baaqay beel-weynta dhulbahante inay si deg dega isugu yimaadaan shir looga wada hadlayo wixii la kala tabanayo.

 

Hadaba hoos ka akhriso bayaanka kasoo baxay Beesha.

bayan-garowe

 

 

COMMENTS
LINKS