|
|||||
WAJAALE NEWS
Yuhuudda oo kordhisay duqeynta ay kawaddo Marinka Gaza ee dhulka Falastiin
July 29, 2014 - Written by Editor:GAZA(Wajaalenews) — Ugu yaraan 110 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay xalay illaa waaberigii saakay ay ku qaadeen marinka Gaza ee dhulka Falastiin. Weerarradan ayaa imaanaysa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Isniinta shalay dalbadeen in xabbad-joojin shuruud la’aan ah ay hir-geliyaan Israa’iil iyo Xamaas, balse taas ma aysan suuro-gelin. Sida laga soo xiganayo suxufiyiin ku sugan marinka Gaza xalay oo ku beegnayd ciida Soon-fur ee muslimiinta ayaa ahayd markii u xoogganeyd ee Yuhuuddu ay duqeeyaan deegaankaas tan iyo markii ay weerarka billowdeen saddex toddobaad muddo ku dhow. Khudbad uu Isniinta jeediyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Natanyahu ayuu ku sheegay in hawlgallada ay kawadaan marinka Gaza ay noqon doonaan kuwo daba-dheeraada, isagoo shacabka Falastiin ee Gaza ku nool ugu baaqey in ay ka baxaan magaaladaas. Wakhti yar kaddib khudbaddii ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa waxaa Gaza ka billaabatay duqeyn xooggan kuwaasoo geystay khasaaraha nafeed ee aadka u faraha badan. Magaalada Rafax waxay duqeyntu ku dishay shan qof oo dumar ah iyo ilmo yar, sidoo kale xerada qaxootiga ee Bureyj waxay ku dileen toddoba qof oo kale, isla habeenkii xalay waxay Israa’iil duqeysay guriga Ismaaciil Hanniya, laakiin ma jirin cid wax ku noqotay. Yuhuudda ayaa la sheegayaa in 24-kii saac ee u dambeeyay laga diley shan askari, taasoo dhimashada ciidamada Yuhuudda ka dhigaysa 53 askari tan iyo markii ay weerarrada dhulka ah billowdeen. Tan iyo markii Israa’iil ay duqeynta ku billowday Gaza waxay ku dileen 1,100 qof oo Falastiiniyiin ah. Inta badan dadkan ayaa ahaa rayid aan dagaalka lug ku lahayn, waxayna isugu jireen; carruur, haween iyo waayeel.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO Khudbada Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Somaliland Abiib Axmed uu Ka Jeediyey Kulankii Jaaliyada... Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo sheegtay in Dr. Macow uu buuxin waayay shuruudihii caafimaad ee... Daawo:Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Qaabkii Ciidanka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|