Xulka Qaranka Germalka Oo Ku Guulaystay Koobka Aduunka Daawo sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka Qaranka Germalka Oo Ku Guulaystay Koobka Aduunka Daawo sawiro
July 13, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Xulka qaranka Germany ayaa loo caleemo saaray xulka qaranka ee Aduunka , kadib markii ayArgentina 1-0 kaga qaadeen koobka caalamka ciyaar labada qaran ku dhex martay garoonka Maracana ee caasimada Brazil ee Rio De Janeiro.

germany guul

Germany v Argentina: 2014 FIFA World Cup Brazil FinalCiyaar aad u adag oo ahayd tii u dambeysay tartanka kooba aduunka oo mudo soddon cisho ah ka socday wadanka Brazil oo Argentina iyo Germalka ku dhex martay garoonka Maracana Stadium ayaa 90 kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tallo gallay, la isla dhaafi waayay barbar dhac 0-0 ah , xulna aanay u suurto gallin inay wax gool ah la yimaadaan.

30 kii daqiiqo ee lagu darayna qaybtii koobaad ku dhamaatay waxba la’aan, laakiin aakhirkii xulka Germany uu ku guulaystay sidaasna ku qaaday biladii loo tartamayay ee koobka aduunka.

Kubadan oo uu shabaqa dhigay Xidiga Mario Goetze oo ciyaarta bedel ku soo gallay ayaa ugu filaaday Germany inay ku guulaystaan koobka aduunka, iyaguna ku dabaal degaan Maraca.

germany guul4jarmalFBL-WC-2014-FINAL-GER-FANSFBL-WC-2014-MATCH64-GER-ARGFBL-WC-2014-MATCH64-GER-ARG

 

COMMENTS
LINKS