Xulka Qaranka Brazil Oo Iska Xaadiriyey semi finalka Koobka Aduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka Qaranka Brazil Oo Iska Xaadiriyey semi finalka Koobka Aduunka
July 5, 2014 - Written by Editor:

FORTALEZA, (Wajaalenews) — Xulka qaranka Brazil ayaa iska xaadiriyey semi finalka koobka aduunka markii koowaad mudo 12 sannadood ah kadib markii ay Caawa 2-1 kaga adkaadeen xulka qaranka Colombia, goolashaas oo ay labadaba dhaliyeen labada xidig ee difaaca uga ciyaara ee Thiago Silva iyo David Luiz.

brazil 1BRASIL 3colonbia

Silva ayaa hogaanka u dhiibay Brazil daqiiqadii 7 aad ee ciyaarta, jilibka bidixna ku dhalliyey kubad uu koornaha ka soo laagay Neymar. halka Luiz uu qaybtii labaad ee ciyaarta goolkiisa oo laag xor ah ahaa , si quxux badan giftinka birta uga xareeyey.

 

 

 

 

 

 

Colombia ayaa iyagu goolka madiga ah hellay daqiiqadii 80 aad ee ciyaarta, kaas oo ahaa rigoodhe uu shabaqa ku luley weeraryahan James Rodriguez, tirada goolasha uu koobka aduunka ka dhaliyayna ka dhigay lix gool oo noqonaya xidiga ugu goolasha badan tartanka.

Brazil, oo labadii koob aduun ee ugu dambeeyeyba ku hadhay wareega sideeda (Rubuc dhamaadka) ayaa wajahi doona Salaasada iyo Semi Finalka, xulka Germany oo isla xallay fiidkii ka soo talaabsaday Faransiiska.

COMMENTS
LINKS