Xukuumadda Somalia oo cambaareysay duqeynta Israa’iil ay kuwaddo Gaza | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somalia oo cambaareysay duqeynta Israa’iil ay kuwaddo Gaza
July 22, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews);War-saxaafadeed kasoo baxay maanta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay go’aankii Israa’iil ay ku sheegtay 20-kii bishan inay ku xoojinayso duulaankooda joogtada ah oo ay ku qaadday Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayuu ku sheegay inay cambaareynayaan duullaanka lagu qaaday dadka ku nool marinka Gaza ee go’doonsan iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan, taasoo ah wax ka hor-imaanaya qiimaha bani’aadanimada, dhaqammada iyo qawaaniinta caalamiga ah.

“Waxaan ka codsanaynaa Israa’iil inay si dhaqso ah ku joojiso dagaalka iyo duqeynta culus ee ay ku qaadday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan barbar-taagannahay maamulka iyo shacabka Falastiin iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14-kii bishan si xabadda loo joojiyo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay ugu baaqayaan dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqa diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan sida caruurta, haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool marinka Gaza iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo deggenaanshaha iyo wada-xaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ku sheegto mowqifkeeda ku aaddan colaadda ka taagan marinka Gaza ee dhulka Falastiin, taasoo billaabatay laba toddobaad ka hor

COMMENTS
LINKS