|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Jabuuti oo lagu Eedeeyay inay xidhay Masaajid lagu Tukanayay
July 2, 2014 - Written by Editor:JABUUTI(Wajaalenews);— Ururka u dooda dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadanaha dalka Jabuuti oo lagu magacaabo ODDH ayaa ku eedeeyay xukuumadda Jabuuti inay xidhay Axaddii lasoo dhaafay masjid lagu cibaadeysanayay oo ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada Jabuuti. Warbixinta ururkan soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamada booliiska dalka Jabuuti ay masaajidka ka saareen dadkii ku cibaadeysanayay ayna albaabbada isugu dhufteen, iyadoo xiridda masjidkan uu ahaa amar ka yimid wasaaradaha arrimaha muslimiinta iyo owqaafta Jabuuti iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Toddobaadkii lasoo dhaafay boolisku waxay xidheen masjid ay ku cibaadeysanayeen dad muslimiin ah, iyadoo booliisku ay la wareegeen gacan ku haynta masaajidkaas; iyadoo loo diiday dadku inay ku cibaadeystaan,” ayaa lagu yiri warbixin uu ODDH soo saaray. Sidoo kale, ururka ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka horimaanaysa xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu si xor ah u cibaadeysto, iyagoo dalbaday in si dhaqso ah dib loogu furo masaajidkan si ay dadweynuhu ugu cibaadeystaan. Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Jabuuti oo ku aaddan xidhitaanka masjid ay dad ku cibaadeysanayeen, iyadoo sidoo kale uusan ururkku sheegin sababta ay u xireen ciidamada booliiska Jabuuti masaajidkan. Bishii hore ayaa waxaa magaalada Jabuuti ka dhacay qarax ay mas’uuliyaddiisa shegatay Al-shabaab, kaasoo dilay tiro dad ah kuwo kalena dhaawacay, waxaana tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay socday dadaallo looga hortagayo inay qaraxyo kale ka dhacaan Jabuuti. Dalka Jabuuti ayaa waxay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo taasi ay keentay in Al-shabaab ay ku gooddiso inay qaraxyo ka geysanayso dalkaas, si ay uga aar-gudato ciidamada uu ku taageeray dowladda federaalka Soomaaliya.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO; Mareeye Eng Cali Xoor Xoor Oo Kashifay Sir Ku Saabsan Maalgalinta Dekeda Berbera Iyo Waxa Is... DAAWO;-Qaarkamid ah Madax-Dhaqameedka Gobolka Awdal Oo Soo Dhaweeyay Heshiishkii Xisbiyada Ee Qabsoo... Madaxwaynaha Soomaaliya Oo Hadal Uu Ka Jeediyay Qaramada Midoobay Kuna Hadaaqay Midnimo Dhex Marta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|