Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xusbiga Ucid Oo Sheegay in Aan Cali Gurey Xilka Qaadi karin Sharciyan; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xusbiga Ucid Oo Sheegay in Aan Cali Gurey Xilka Qaadi karin Sharciyan;
July 20, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ; Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xusbiga Ucid Prof Yuusuf Budle Ayaa Waxba Kama jiraan ku tilmaamay war kasoo yeedhay gudoomiyaha sedexaad ee xusbiga ucid muj cali isagoo taageerayaasha xusbigana u diray fariin warkan ayaa waxaana ka helay barta uu ku leeyahay facebook waxaana u dhignaa sidan;

Waxa aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha Xisbi weynaha UCID, meel kasta oo ay joogaan iyo dadweynaha reer Somaliland oo dhanba in waraysiga aan siiyay saxaafadda madaxa banaan ee kusoo baxay meelo tiro badan uu yahay waraysi run ah, saxna ah, lagana been sheegin siddii aan u jawaabay. Waxa kale oo aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha Xisbiga iyo taageerayaashayga shaqsi ahaaneedba in ay tahay arrin jirta, dhibaatona ku ah jiritaanka iyo qaran-nimada Somaliland, aanana marnaba uga gabanayn in aan cid gaar ah ugaga haybaysto run ka sheegidda wax kasta oo dhaawacaya jiritaanka S/land. Ugu dambayn, waxa aan u sheegayaa walaalkay Cali Guray, Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID in aan looga baahnayn in uu meelahaas kusoo qoro in uu xilkii iga qaaday, waayo

(1) Ma laha awoodaas uu keligii igaga qaadi karo xilkan

(2) Haddiiba uu taas soo qoray waxa ay sharaf dhac ku tahay sharciyada iyo hab maamulka u yaala Xisbiga UCID.

(3) Xisbiga UCID anigu waxa aan u hayaa taageerayaal 10 goor ka badan inta uu Cali Guray keeni karo, markaa wax werwer ah kama qabo haddii uu Cali is yidhi waxa uu Yusuf kugu haystaa jagada uu manta hayo ee Gudoomiye ku xigeenka 3aad.

(4) Anigu waxa aan sitaa baasboor Maraykan oo sida Cali ma sito baasboor Djiboutian ah, sidaas awgeedna Somaliland danteeda kuma bedelanayo baasboorka Djibouti. Ugu dambayn waxa aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha Xisbigeena qaran ee UCID, gaar ahaan taageerayaashayga shaqsi ahaaneed in aanay arrinkan uu Cali Guray soo qoray ka jawaabin, isagana aan wax af lagaado iyo ceeb ah loo geysan si aan looga faa’iidaysan oo aanay inoogu noqon dhibaato kusoo noqota xisbigeena. Intiina aan arag waraysigaas fadlan gujiya halkan: http://newucidparty.com/?p=8121

Guul iyo Gobonimo Yusuf Budle

COMMENTS
LINKS