|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo Isku Raacay in Somaliland Joojiso Wadahadalka Soomaaliya.
July 10, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa caddeeyey inay xisbiga kalee WADDANI ku raaceen, isku mawqifna ka yihiin in dawladda Somaliland gebi ahaanba joojiso wadahadallada Soomaaliya, arrintaas oo ay tilmaameen in dhaawac ka soo gaadhay qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu dhextaagan yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu dhextaagan yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Md. Jamaal Cali Xuseen oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay xarunta xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in dawladdu ka baxdo wadahadalka Soomaaliya, la isuguna yimaad shir guud oo lagaga arrinsanayo dejinta siyaasad cusub oo arrimaha dibadda Somaliland yeelato. “Waad arkayseen in xuduudaheennii la soo xidhay iyo siyaasaddeennii arrimaha dibadda oo jaha-wareersan. Waxa Wadahadalladii Soomaaliya wax allaale iyo wax ay innagu soo kordhiyeen ma jiraan, qaddiyaddii Somaliland-na waa ay dhaawaceen, dawladdana waxaad mooddaa inay si indha la’aan ah ku socoto, meesha ay ku socotana garan maynno. Waxaannu annagu taas ku raascannahay baaqii ay soo jeediyeen xisbiga WADDANI ee ahaa wadahadallada Soomaaliya in gebi ahaaba la joojiyo, dalkuna isugu yimaad dejinta siyaasad cusub oo arrimaha dibadda ah,” ayuu yidhi murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hore u soo saaray baaq ku wajahan in dawladda Somaliland gebi ahaanba ka baxdo wadahadalka ay kula jirto Soomaaliya, isagoo sida Jamaal Cali Xuseen tilmaanay xisbiga UCID-na ku raacay baaqa ku saaban joojinta wadahadalladaas. Waxa kaloo uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ku fashilantay in ay Qarammada Midoobay iyo dunida kale ka dhaadhiciso inay u madaxbannaanaato maamulka hawadeeda, isagoo xusay in hawada Somaliland lagu wareejiyey Soomaaliya. Dhinaca kale, murrashaxa madaxweyne UCID, ayaa sidoo kale tibaaxay in qaab musuqmaasuq ah loo bixiyey shirkad la sheegay inay ku guulaystay maamulka diiwaangelinta maddaniga ah (Civic Registration), taas oo uu tilmaamay inay tahay shirkad madaxtooyadu wadato, kuna doonayso inay ku musuqmasuqdo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka. “Shirkad lagu magacaabo SAHAL ee la yidhi waxa la siiyey diiwaangelinta maddaniga ah. Runtii markii aannu baadhnay, una dhabogalnay, waxannu ogaanay in 35 shirkadood soo codsadeen qandaraaska diiwaangelinta, markii la kala reebay, waxa isku soo hadhay 5 shirkadood, waxana la weydiiyey in shirkad waliba keento waxyaabaha looga baahnaa shuruudihii lagu xidhay, iyadoo arrintaasi loo ballansan yahay oo shirkadihii aan la kala saarin ayuun baa shirkad gaar ah markiiba la iska qandaaraskii diwaangelinta maddaniga. Iyadoo ay halkaas marayso oo ay shirkadihii kalena diyaar-garoobeen, kharash badanna uu ka baxay. Waxa noo muuqata in shirkaddaasi tahay mid ka socota madaxtooyada oo lug ku leh, dano ka leh oo dadka Madaxtooyada ka soo jeeda qaar kood ay yihiin. Waxa kaloo noo muuqata in aan loo marin qaabkii loo bixin jiray qandaraasyada ee u qornaa ee gaarka ahaa oo ay wasiirro dhex fadhiyeen. Waxa kaloo noo muuqata in la doonayo in diiwaangalintaa maddaniga ah loo isticmaalo intii diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo dhawaan bilaabmi doonta loo isticmaalo, markaa haddaannu xisbiga UCID nahay arrintaas, mana oggolin. Waxaannu u aragnaa arrin aan caddayn oo musuqmasuq badan ku jiro sifaha loo bixiyey.” Waxa kaloo Md. Jamaal Cali Xuseen uu ku eedeeyey xukuumadda dhibaatooyinka soo waajahay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, gaar ahaan geela oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isagoo carrabka ku adkeeyey in arrintaasi fool xumo ku tahay dawladda, masuuliyadeedana ay leedahay Wasaaradda Xannaannada Xoolaha.
Jamhuuriya Related posts:“Ninkii Bilaabay Dagaalka Laascaanood Furihii Albaabka Dagaalka Lagu Bilaabay Ayuu Hayay, Laakiin Fu... War Deg-Dega : Muj Dheereeye Oo kamida Xubnihii Dhawaan Kusoo Biiray Xisbiga Wadani Oo Xabsiga lo... Wadani Iyo Ucid Oo Siwada Jir ah Uga Hadlay xadhiga Musharixiinta Xisbiyadooda Ka sharaxan, Xukuumad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|