Xisbiga UCID Oo Beeniyay War sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Yahay Musharax Madaxtinimo Ee Xisbigaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga UCID Oo Beeniyay War sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Yahay Musharax Madaxtinimo Ee Xisbigaasi
July 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalennews)Xoghaya Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusf Keyse C/laahi ayaa jawaab ka bixiyey war wargeyska Somaliland Today ku sheegay in Musharaxa madaxtinimo ee Xisbiga UCID noqon doono Wasiirka Aarimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha ayaa u qornaa sidan:-
Maanta oo ay Bishu tahay 24 July ,2014, waxa Xisbiga UCID si toos u beeninayaa war aan Sal Iyo Raad toona oo uu baahiyey wargeyska SOMALILAND Today kaas oo uu Dacaayado Raqiis ah ku Soo Baxay Cadadkiisii Maanta
Wargeysku waxa uu si qaawan oo runta ka fog ku sheegay in Waziirka Arrimaha Dibada Mr: Mohamed Bihi Younis noqon doono Murashaxa Madaxwenaha Xisbiga UCID ee Doorashada Soo socota, iyagoo aan wax daliil ah u ahayn, sheeginna xogta intaa le’eg cidda ay ka heleen.

Tan kale Murashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa Aqoonyahanka JAMAL ALI HUSEIN, oo aanu Hubno in Uu So celin doono rajadii Shacbiga Somaliland ka Qabeen in Mar uun Ummada Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka isla markaana kor u so qaado Quusta la geliyey, iyadoo aan weli Ictiraaf Caalami ah loo helin, Hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay Nidaamka Dowladda Kulmiye ee Qabyaaladda, Eexda iyo Hanti Urursigu Madax maray

Xizbiga UCID waxa kaloo uu u arkaa in kooxaha u adeega Nidaamka Silaanyo, inay degayaan tabo iyo xeelado siyaasadeed oo ma dhalays ah, oo loola jeedo in lagu wiiqo wadajirka iyo kacdoonka isa soo taraya ee loogu diyaar garoobaayo doorashada soo socota iyo taageerada xad dhaafka ee Xisbiga UCID Uu Kasbaday Wakhtiyadi u Danbeeyey
Ugu dambayn XIsbiga UCID, waxaan si cad u cambaaraynaynaa Qormadan uu soo saaaray Wargeyska Somaliland Today.

wajaalenews

hargeisa/office

carab

COMMENTS
LINKS