Xildhibaan Tukaalle oo Xukuumadda ku Tilmaamay Inay Dalal Shisheeye Muwaadiniinteeda Qoorta u qabato si loo Gawraco;;;; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Tukaalle oo Xukuumadda ku Tilmaamay Inay Dalal Shisheeye Muwaadiniinteeda Qoorta u qabato si loo Gawraco;;;;
July 3, 2014 - Written by Editor:

Wasiirka Arrimaha Gudduhu dhaqan aad u xun ayuu dalka u bilaabay, arrintaasina mid lagu dhaafayo ma aha,

HARGEISA(Wajaalenews) ;Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, ayaa warqad qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyay shabakadda wararka ee wajaalenews.net uu Xukuumadda Somaliland ku tilmaamay inay meel kaga dhaceen jiritaankii iyo qaranimadii dalka, kadib markay soo baxeen warar shegaya in muwaadiniin u dhashay Somaliland gacanta loo geliyey dalal shisheeye,

Xildhibaan Bashiir, ayaa tallaabadan dawladu qaaday ku tilmaamay inay tahay mid ay muwaadiniinteeda qoorta ugu qabanayso gawrac shisheeye, waxaanu sheegay in haddii uu dambi galo muwaadinku ay muddan tahay in lagaga jaro wixii uu geysto dalka guddihiisa, balse aanay haboonayn in gacanta loo geliyo dal shisheeye.

Waxaanu hadalkiisii u dhignaa sidan;

Waxaan halkan ka cambaaraynayaa muwaadiniintii loo dhiibay dalka Djibouti, arrintaas oo ah mid laf-jab ku ah madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, haddii muwaadinku dambi galo, ayaa waxa haboon in dalkiisa isagoo jooga lagaga jaro haddii ay ku caddaato, laakiin, ma aha in dal shisheeye loo gudbiyo, taasi waxay kalsooni darro ka dhex dhigaysaa dawladnimadeena iyo dadweyneheena.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu dhaqan aad u xun ayuu dalka u bilaabay, arrintaasina mid lagu dhaafayo ma aha, sidaa daraadeed waxaan Guddida joogtada ah ee Gollaha Wakiiladda u soo jeedinayaa inay si degdeg ah wax uga waydiiyaan arrinta muwaadiniintaas oo la sheegayo in qaarkood jidh-dil loo geystay awgeed ku naf waayeen.

Haddaba, anigu odhan mayo dambi may gelin, hadday galena ayaga oo dalkooda jooga oo ku xidhan in lagaga gudan karo, laakiin waxa xaaraan ah in dal shisheeye loo gudbiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumaddan waxay ku guuldarreysatay ilaalinta muwaadiniinteeda ee ay u xilsaaran tahay, ilaalin iska daayo wataa dadkeenii lagu gawracaayo, kuwii inay ilaaliyaan u xilsaarnaa ay lugaha iyo qoorta u hayso si loo gawraco. Allahayow ninkii nool maxaa aragti u laaban tan iyo tu ka daranba waynu arki, haddii aan shacbigu gilgilan

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan dalka Djibouti u gudbisay muwaadinin reer Somaliland ah oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen labadii qof ee dhawaan isku qarxiyey dalka Djibouti, kadib markii habeen madow ay askarta RRU ay hawlgalo ku soo qabqabteen saddex muwaadin, taasoo dalka Djibouti uu Somaliland ka codsadeen inay gacanta u soo geliyaan saddexdaas qof.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS