Xildhibaan Bashiir oo Xukuumadda uga digay inay Faraha kala baxdo Arrinta dhul-daaqsimeedka Qool-cadday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Bashiir oo Xukuumadda uga digay inay Faraha kala baxdo Arrinta dhul-daaqsimeedka Qool-cadday
July 30, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews);Warqad qoraal ah oo shabakadda Wajaalenews.net uu soo gaadhsiiyey Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, ayaa wuxuu si weyn Xukuumadda Somaliland ugu dhalliilay inay faraha kala baxaan rabashaddaha ka aloosan banka Qool-cadday oo uu Xildhibaanku ku sheegay in Xukuumaddu damacsan tahay siday cid gaar ah ugu xayn-daabi lahayd dhul-daaqsimeedka Qool-cadday.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in cawaaqib-xummo weyn ka dhalan doonto haddii Xukuumaddu arrinkaas ku tallaabsato, isla markaana wuxuu Xildhibaanku hoosta ka xarriiqay in dhibaato badan ay haleeli doonto mid ka mid ah laf-dhabarta dhaqaallaha Somaliland oo xoolaha,ah taas oo ay soo food-saari doonto baad la’aan ama meelo ay xooluhu daaqaan.

Waana kan hadalkiisii oo dhammaystiran;

Waxaan jecelahay inaan inyar ka idhaahdo arrin aad u foolxun oo in dhawayd xukuumaddu ka wadday banka Qool-cadday, taasoo haddii ay xukuumaddu faraha kala bixi waydo khatar weyn oo dhinacyo badan leh ku keenaysa dalka, dadka iyo duunyadaba.

Qoolcadday waa banka ama dhul daaqsimeedka kaliya ee xoolaha Goboladda Galbeedka Somaliland ku baxaan xilliyadda abaarta, waxaan taas dalliil u ah xoolihii Gabilay iyo wixii Galbeed ka xigga waxay ku sugan yihiin banka Qool-cadday ee ay doonayso xukuumaddu inay u xayndaabto ganacsato gaar ah, taasina waxay ummaddu u aragtay in dagaal ku jahaysan xoolaha yare e dhul la’aantu hayso.

Haddii dhul loo baahdo waa Barri, sidaa daraadeed, waxaan halkan Xukuumadda uga soo jeedinayaa inay qaska ka dayso dalka, dadku waa dad aad u daalay, umana baahna fad-qalalo iyo kacdoon, markaa haddii Xukuumaddu dhul wax ka qabanayso ama seero samaynayso dhul dherer iyo balacba leh waa banka Sarraar ee ma aha sabbadda Hargeysa ee riyaha baladiga ah lagu sasabo.

Ugu dambayn, wixii cawaaqib-xummo ah ee arrintaas Qool-cadday ka yimaad, waxa masuul ka ah ama ay noqon doontaa mid ay ka dambayso Xukuumadda hadda haysa taladda.

 

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS