Xidhiidhka arimaha debdda ee Somaliland oo kasii daraaya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka arimaha debdda ee Somaliland oo kasii daraaya.
July 8, 2014 - Written by Wariye:

Wasaaradda arimaha debedda oo ah halbawlaha iyo wadnaha arimaha xidhiidhada caalamiga ah, raadinta ictiraafka, soo dhoweynta iyo iskaashiga wadamadda caalamka iyo kuwa gobolka,ka shaqaynta amniga guud iyo utaagnaanta astaanta qaranka marka lajoogo meel ka baxsan dalkan Somaliland, lagasoo bilaabo 1991 sheikh yusuf sheikh cali madar goduumiyihii SNM, Ambassaddor Cismaan Abdilahi Jama ilaa Abdilaahi Maxamed Ducaale oo xilka ku wareejiyey DR maxamed cabdilaahi cumar waxaa laga soo hooyey guulo isdaba jooga oo lataaban karo kuwaasoo dhamaantood ka soo qayb qaatey sidii ay dunidan inoo bari lahaayeen qadiyaddeenana uga dhaadhicin lahaayeen, iyadoo ay ugu muhiimsantahay Ictiraaf raadinta iyo maal gashiga caalmka taasoo ah albaabada dalkani ku gaadhi karo horumar iyo isku filnaan.

Wasaaradda arimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah wa astaan

mar walba utaagan inay ka turjunto una qareento shacabka Somaliland taasoo la rabo inay dunida inaga iibiso kana dhaadhiciso wixa shacabka Somaliland xaq uleeyihii,

Waxaa dhaba inaan dunidu ina aqoonsan welina laynoola dhaqmayo gobol kamid ah wixii laysku odhanjiray somaliya,wallow ay jiraan wadamo tiro yar oo ay ugu horeeyaan kuwa darisku o inoo la dhaqma si dadban ama( defacto state), kuwaasoo hadda aad modo in hoos udhac kamuuqdo iskaashigii iyo xidhiidhkii aynu la lahayn wadamada dariska iyo kuwa caalamkaba.

Hal sano iyo badh ka hor waxaa Madaxwene Mudane Axmed silaanyo umagacaabey xilkaas Maxamed Biixi Yoonis, kadib markii u xilkaa uu ka bedeley DR Maxamed abdalah Cumar iyadoo mudadaas lasaluugayey sida uu wasiirku u maamulayo arimaha debedda ayaa waxaa loo hanweynaa lana filaayey in Wasiir biixi u wax badan ka bedelaayo xidhiidhka caalamiga ah ee aynu aduunka la leelanahay.

Wasiir Biixi oo ah khabiir kasoo shaqeeyey dunida in badan isagoo marar badan noqodey ergey qaramada midoobey ah (UN Envoy) oo leh khibrad shaqo oo aad ubadan waa sida CV giisa laga arkaye, waxaa laga filaayey xilka loo igmadey inuu meel sare geyn doono dunidana wax badan ka dhaadhicin karo madaama uu wax ka yaqaaney luuqadda lagula hadlo xidhidhada caalamka iyo qaaramadda midoobey.

Kadib mudadaa uu xilka hayey wasiir biixi waxaa muuqda in ay kasii dartey wasaaradii arimaha debedu, waxaa xidhmay xuduudaha wadamada jaarka ah, sida Djibouti iyo Ethiopia oo ahaa wadnaha xidhiidhka Somaliland, waxaa gaabis noqdey hawlihii citiraaf raadinta waxaa mugdi galay xidhiidhka aynu lalahayn dawladda Britain oo u xidhiidh soo jireen ah lalahyn, waxaa marar badan ay kadigtey dawladda Britain arimo amni xumo iyadoo ay dhacdeyba ina ingiriisku kala baxeen Somaliland muwaadiniintiisa.

Hadaba suaasha jirta ayaa ah wasiir biixi mayahay nin hagaajin kara waxna katari kara xidhiidhadaa iyo xuduudaha xidhmay taasoo ah hawl gabnimo buuxda oo uu wasiirka iyo wasaaradiisu ay mujiyeen. Walaaca wasiirka lagaqabo ee isasoo taraysaa waxay dhabar jab kutahay horuarka iyo muraayadda aqoon raadiska Somaliland.waxaa inaga dheereeyey dawladda taagta daran ee muqdisho waxaa taas kasii daran cali khaliif galaydh hugaamiyaha jabhadda khaatumo inuu inooga dheereyey dawladaha caalamka isagoo kuguuleystey inuu wax ka dhaadhicyo dawladaha waaweyn sida maraykanka, ingiriiska iyo midawga yurub inay shakiba geliyaan xuduudaha Somaliland iyo lahaanshaha Somaliland ee gobolada bari iyagoo kutilmaamey inay yihiin (disputed area), miyaanay taasi ahayn dhirbaaxo cad iyo tusaale la taaban karo(life example) oo aynu ka arki karno halkay marayso siyaasadeenii arimaha debedu.

Talo ixin

Mudane axmed maxamed maxamud silaanyo oo ah madaxa uugu sareeya ee qarankan waxaa looga fadhiyaa inuu indhaha kalaaban horumar laanta iyo saaqidnimada ka muuqata wasaarada uu maamulo wasiir biixi, waa inuu madaxweynuhu dib uugu laabtaa halka sartu ka qudhuntay taasoo hadii madaxweynuhu sidan usii eegto ay gebi ahaanba xidhmi donaan safaaradaha yar ee maanta sii furan kuwaasoo dhabar jab weyn ku ah qadiyadda iyo halganka Somaliland uugu jirto sidii dunida ay isu bari lahayd,

By: Saed Hashi

COMMENTS
LINKS