Xamaas Oo Shardi Ku Xidhay Xabad Joojin Ay La Gasho Dawlada Israel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xamaas Oo Shardi Ku Xidhay Xabad Joojin Ay La Gasho Dawlada Israel.
July 25, 2014 - Written by Wariye:

israaiilHoggaamiyaha ururka Xamas Khaalid Mashcal ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku sheegay in ay doonayaan xabbad joojin degdeg ah, balse ay la socota in xannibaada laga qaado marinka Gaza.

Mashcal, ayaa tilmaamay in ay doonayaan Xabad joojin, balse marka hore in ay tahay in xannibaadda 8-da bil saaran Qaza laga qaado.

Sidoo kale waxa uu qiray in uu u sheegay dalalka reer galbeedka iyo Qaramada Midoobey in ay tagaan Qaza oo ay la hadlaan shacabka Falastiiniyiinta ah, oo ay weydiiyaan waxa ay doonayaan.

Khalid Mashcal, ayaa ku tilmaamay Qaza in ay tahay xabsi, aysanna dooneyn dadka reer Falastiin in ay ku jiraan nolosha noocaas ah.

Dhanka kale, Dad Falastiinyiin ah, ayaa dibadbax ka sameeyay Daanta Galbeeda iyo Quddus, waxaana dadkaas oo ka cadheysan dagaalka Qaza ay iska horyimaadeen ciidammada ilaalada Israa’iil.

Isku dhaca, ayaa xooggiisa waxa uu ka dhacay bar kontorool oo lagu magacaabo Qalandiya taasoo u dhexeysa Ramallah iyo Qudus.

Ugu yaraan hal qof, oo Falastiini ah ayaa ku dhintay rabshadaha, xaaladda ayaana u muuqatay mid aad u daran, iyadoo hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta ay ku baaqeen maalin xanaaq iyo cadho in ay tahay maanta oo Jimca ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa cambaareeyay duqeyntii shalay ee iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla Beyt-Xanuun.

Ugu yaraan 13 qof, ayaa ku dhimatay iskuulka, in ka badan 200 oo kale ayaa ku dhaawacantay duqeynta.

Boqollaal qof, oo Falastiiniyiin ah ayaa iskuulkaasi kaga gabanayay duqeymaha Israel iyo howlgallada ciidamada ee Qaza ka socdo.

Waa markii afaraad oo Israel ay duqeyso xarun ay maamusho Qaramada Midoobay. Maamulka Israel, ayaa Siddeeddii July billaabay weeraro iyo duqeymo ay doonayaan in ay ku joojiyaan gantaallo ay sheegeen in ay Xamaas kaga soo tuurayaan Marinka Qaza.

Hargaysa / Somaliland
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS