|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaalada Shirkada Dahabshiil oo Laga dayrinayo iyo xafiiskii Gobolka Jubbada Dhexe oo Maanta la xidhay
July 12, 2014 - Written by Editor:Juba(Wajaalenews);Xafiisyadii shirkadda Xawaaladda Dahab-shiil ay ku lahayd gobolka Jubbada dhexe ee Somalia ayaa la xidhay, kaddib markii ay Al-shabaab amar ku bixisay in la xiro xafiisyadaas. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in la xiray xafiisyada Dahab-shiil ee ku yaallay degmooyinka Bu’aale, Saakoow, Salagle, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe. Wararku waxay intaas ku darayaan in, Cabdiraxmaan Xudeyfa oo ah madaxa Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka uu amray xiridda xafiisyadan bixiyay, kaddib markii ay shirkaddu bixin wayday lacago Sako oo ay Al-shabaab ku amartay inay bixiso. Mas’uuliyiinta Dahab-shiil ee Jubbada dhexe ayaa ka gaabsaday inay arrinta xirtaanka xafiisyada shirkadda ee gobolkaas ay ka hadlaan, sidoo kalena weli kama aysan hadlin maamulka guud ee shirkadda amarka albaabbada loogu laabtay xafiisyada ay ku leeyihiin gobolkaas.
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka keliya ee ay Al-shabaab sida buuxda uga taliso, kaasoo degmo ka mid ah aysan ku sugnayn ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee Midowga Afrika. Dhanka kale, Al-shabaab ayaan iyaduna weli ka hadlin amarka xafiisyadan ay Dahab-shiil lahayd lagu xiray, waxaase la ogyahay in Al-shabaab ay ka qaaddo sannad walba ganacsatada deegaannada ay maamulaan Sakada;
Related posts:Daawo:Xildhibaano Ka Socda Dalka Sweden Iyo Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalkaas Oo Saaka Gaadhay M... Daawo:War Bixin Sida Uu Sixir Bararku U Saameeyay Suuqyada Magaalada Hargyasa Iyo Masuuliyiinta Wada... Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo La filayo In Uu Maalinta Bari Ah La Kulmo Madaxwaymaha Cusub Cusub Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|