Weerar Dhimasho badan keenay oo ka dhacay Gobolka xiga dhinaca xeebta Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weerar Dhimasho badan keenay oo ka dhacay Gobolka xiga dhinaca xeebta Kenya
July 19, 2014 - Written by Editor:

KENYA(Wajaalenews) ;Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu dilay dagaalo ka dhacay tuulloyin xiga dhinaca xeebta dalka Kenya, sidaasna waxa sheegay Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee dalka Kenya.

Goob-joogayaal ku sugnaa meesha dagaalku ka dhacay, ayaa sheegay in niman si weyn u hubaysan ay weerar ku qaadeen xarrun laga ganacsado oo ku taal badhtamaha tuuladda Hindi oo hoos timaad gobolka Lamu.

Dhinaca kale, kooxaha Islaamiyiinta ee Al-Shabaab, ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyeen dagaalka keenay dhimmashada ugu yaraan 29 qof, iyagoo sidoo kalena hore u sheegtay weeraro farabadan oo ka dhacay gobolkaas.

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto, ayaa hadda booqasho ugu sii jeeda gobolkaas dagaaladdu ka dhaceen

COMMENTS
LINKS