Wasiiru-dawlihii ka baxsaday Somaliland ee widhwidh joogay oo Maleeshiyada Saax-dheer ku biiray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiru-dawlihii ka baxsaday Somaliland ee widhwidh joogay oo Maleeshiyada Saax-dheer ku biiray
July 26, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalnews)Wasiiru dawlihii nabadeynta Goboladda Barri eek a cararay Somaliland Keyse Cabdi Yuusuf ayaa ku biiray Kooxda Saax-dheer kadib markii uu muddo ku go’doonsanaa magaaladda Widhwidh oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Keyse oo warbaahinta la hadlay markii uu Saax-dheer gaadhay ayaa sheegay in uu ka qayb galayo Ololaha dagaal ee ay kooxdaasi wado, balse waxa jira Tuhuno diidmo ah oo ay kooxda Khaatumo kaga soo horjeedo Imaanshihiisa, iyaga oo aan wax kalsooni ah ku qabin.

Keyse ayaa markii hore ka tirsanaan jiray Madaxdii Ururkii SSC hase yeeshee waxa uu isku soo dhiibay isaga iyo hub uu sitayba Somaliland, taasina waxay sababtay Dadka ku abtirsada Khaatumo in aanay dib u aamini doonin wax kasta oo uu is yidhaa isku maydh.
Keyse ayaa sagaashamaadkii ka mid noqday Golihii wakiiladda ee Somaliland, hadana wuxuu xil u doontay Puntland, isagoo kadib noqday Ganacsade madax banaan, hase yeeshee waxa uu isla markiiba isaga dab qaaday kooxdii SSC iyo Somaliland, halka uu shalay mar kale kaga noqday isla kooxdii khaatumo oo ku go’doonsan Saax-dheer.
Si kasta ha ahaatee Keyse iyo kooxda la socotaa toona ma muuqato taageero ay ku kordhin karaan Kooxda Saax-dheer ee uu gadhwadeenka ka yahay Cali Khaliif.

 wajaalenews.net
hargeisa/office
c/raxman carab
COMMENTS
LINKS