WASIIRKII HORE EE WASAARADA XIDHIIDHKA GOLAYAASHA OO WASIIRKA CUSUB KU WAREEJIYAY XILKII WASAARADA Iyo Weedhaho Xanaf Leh Oo U Halkaas Ka Jeediyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WASIIRKII HORE EE WASAARADA XIDHIIDHKA GOLAYAASHA OO WASIIRKA CUSUB KU WAREEJIYAY XILKII WASAARADA Iyo Weedhaho Xanaf Leh Oo U Halkaas Ka Jeediyey
July 9, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista Somaliland Aadan Axmed Warsame,ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugu wareejiyay,wasiirka cusub ee madaxwaynaha somalilnd usoo magacaabay wasaaradaasi Cali Xaamud Jibriil.

Munaasibada Xil wareejinta oo ka dhacday magaalada hargaysa ayaa hadal kooba oo ugu horayn ka jeediyay wasiirkii hore ee wasaaradaasi ayaa waxa uu ku dheeraaday wixii u qabsoomay intii uu xilka wasaarada Hayay.

Wasiirkii hore ayaa waxa uu sheegay in shaqaalaha wasaaradu ay koobnayeen,hawlaha wasaaradana ay hor tagnayeen Dhaqaale la’aan iyo wasaaradaasi oo la dhayalsaday,wixii ay qarankan u haysayna la ilaaway,waxaana uu cadeeyay in dhaqaalaha wasaarada loogu talo galayna  ay qaadan jireen Wasaaradao kale.

Wasiirkii hore ee wasaarada Xidhiidhka golayaasha iyo cilmi baadhista somaliland Aadan Axmed Warsame oo ka hadlaya wixii u qabsoomay iyo caqabadihii ka horyimid inta uu xilka hayay ayaa waxa uu ku dheeraaday.

 

 “Intii aan hayay xilka wasaarada waxaan ku talaabsaday horumar lataaban karo taas oo aan dhiig ku shubay wasaarada xidhiidhka iyo tignoolajiyada oo markii hore ahayd wasaarada aad baylaha u ah,Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ii gartay markii hore inuu xilka ii magacaabo maanta ii gartay inuu xilka iga qaado aad Ayaan ugu mahad naqayaa,waxaanan odhan karaa Maanta waa maalin wayn,waxaanan xasuustaa markii madaxwaynaha somaliland xilka ii magacaabay oo aan hurday,markii uu iga qaadayna waan hurday,Maanta waxa nasiib wanaag ah inaan wasiirkan cusub xilka ku wareejiyo,waxaana shaqaalaha wasaarada ka codsan lahaa in ay ula shaqeeyaan si ka wanaagsan sidii ay iila shaqayn jireen.

Dhinac kale waxa uu ka warbixiyay tirada shaqaalaha wasaarada inta gadiid ee ay leedahay iyo wax yaabaha ay baahida wayn u qabtay waxaana uu ka dhawaajiyay inaanay xukuumadu muhiimad gaar ah aanay siin wasaaradan.

“Hortu xukuumadu way garan wayday wasaaradan oo dalka maanta muhiimada gaar ah u leh,waxaa ay uruurisaa dhamaan wixii xeer kasoo baxa golaha Baarlamaanka somaliland,waxa ay shacabka reer somaliland si isku mid ah ugu fudaydisaa danaha kasoo gala qasriga madaxtooyada taas oo shacabka fariimaha soo dhex mariyaan wasaarada aan joogo,Muhiimada ugu wayn waxa ay ahayd wasaarada marka ay doonayso in ay baadhis samayso waxa ku baxaysa lacag xadi badan,markaas xukuumadu waxa ay nagu tari jirtay may jirin waanan gacmo xidhnaa waxaanan qaban karayayna may jirin.

Dhinac wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo cilmi baadhista somaliland Cali Xaamud Jibriil oo isna munaasibada hadal kooban kasoo jeediyay ayaa ku dheeraaday kaalinta ay dalka ugu jirto wasaarada xidhiidhka golayaasha,taas oo ku macneeyay mid wax badan ka tari doonta baahida dadka hadii sidii loo igmaday looga shaqaysiiyo,waxaana uu carab dhabay inuu xilku wareegto yahay isla markaasna maalinba kii hayaa uu yahay kii shacabkiisa ugu adeega si ay cadaaladi ku dheehan tahay .

“Wasaarada xidhiidhka goloyaasha iyo cilmi baadhista somaliland waa wasaarada muhiim ah hadii looga shaqaysiiyo sidii la rabay,maaha wasaarada liidata waxa ay ku jirtaa wasaaradaha dalka ugu muhiimsan ee lagu uruuriyo xoga,waxa ay qaabilsan tahay wixii xeer kasoo baxa kii la badlayo  iyo kuwa hada lagu dhaqmaba in ay uruuriso isla markaas waa goob loogu talo galay in ay kaydiso.

“anigu Maanta waxaan odhan lahaa wasiiradu marka xilka laga qaado way iska hadlaan,aniga markii xilka la iga qaaday waxaan la shaqaynayay xukuumada,waxaanan ka mid ahaa xisbiga kulmiye,aniga oo markasta kasii mid ahaan doona,wasiiradu waxa ay yihiin kuwii shacabkooda u adeegi lahaa,lakiin maaha kuwa dantooda ka gaadha,waxaana balan qaadi doonaa inaan dhiig cusub ku shubi doona wasaarada isla markaas aan gadhsiin doon meel ka saraysa wasaaradaha kale.  

wajaalews.net

hargeisa/office

c/raxman carab

COMMENTS
LINKS