|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Oo ka Jawaabay Eedoymo ay Usoo Jeediyeen Xisbiga Ucid
July 17, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) ;Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Jamahuuriyadda Somaliland Waxay Halkan jawaab kaga bixinaysaa eedaymo been abuur ah oo uga yimid Xibiga UCID oo la xidhiidha Macdan Dalka si Xalal ah uga baxday , Oo Xisbigu sheegay in Amar wasiirku siiyey Maayirka iyo Badhsaabka Gobalka Saaxil. Hadaan Qodob, Qodob Uga jawaabno Hadaladdi aan Xikmadda laheyn ee ka soo yeedhay Nin Ku hadlayey afka xisbiga Ucid oo Aan Aqoon u lahey Waxaa UU Ka Hadlaayo .Waxaa u masuulkan Marka kowaad-ba uu Qalday Magaca Wasaaradda oo uu ku sheegay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ,Taas oo u haysto wali in ay hal wasaaraddood isku yihiin . Waxaa uu Magaca shirkadda ka been abuuray kuna tilmaamay shirkad aan jirin balse waa shirkadda waraaqadda ku qoran Somaliland Gemstones Mineral Co. waxaa iska leh nin Muwaadin ah Kaaso Dalka ku soo kordhiyey Fursadda Camal ,waxaan la mid yahay dadka somalilanderka ah ee Xadiga Macdaneed ee ay helaan la soo mara wasaaradda si loogu cashuuro ogalaanshana loo siiyo .
Waxaa ninka ucid u hadleyay tibaaxay in Wasiirku Awood iyo Amar ku siiyey ,Maayirka Gobalka Saaxil iyo Badhsaabka ,warqadan Waxaa ku Xardhan inay ku socoto Kastamka Berbera Ogaanshana loo raaciyey Maayirka iyo Badhasaabka ,aqoonla`aanta Haysta cida matalaysa xisbigu waa wax la’la yaabo . Xisbiga Ucid waxa uu kala garan waayay cashuurta ku waajibka ah Muwaadinka iyo Xaqul qalinka Heshiiska Shirkadaha Ajaanibka ,waxaaney yidhaahdeen Xaqil qalinka Macdantan wasiirku meel uu geeyey iyo cid ka xisaabisay garan mayno, Ogsoonow oo Cashuurta waxaa lagu soo shubay Wasaaradda Maaliyadda Taarikhadda 26-12-2013 No 847713 Cashuurteenu waxay aheyd 8082$ . Xisbiga Ucid ayaa caadeystay cayda iyo aflagaadada Masuuliyanta Qaranka isagoo marwalba isku qaado arrin aan looga fadhiyen cadeynteeda iyo Document-ga aaney hadalkeeda daa . ( ka fiirso intaanad falin) fagaarayaasha Codbaahintana waxay u noqdeen Goob Gola ka fuul oo waxii ku soo dhacaba ay kaga Hadaaqaan . Waxaa ceeb iyo anshax darro ku ah xisbiga Ucid iney afkooda ku hadlaan shaqsiyaad aan aqoon iyo cilmi toona u laheyn arimaha macdanta, diyaar garwogooduna uu liito WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO; Muuqaalka Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Berbera Iyo Khasaaraha Dhimasho & Dhaaw... War Deg-deg ah:- Xukuumadda Oo Afar Ka Mid Ah Gudida Qaban Qaabada Soo Dhaweynta Guddoomiyaha Xisbig... Daawo:Dalalka Dunida Oo Cabsi Wayn Ka Qaba In Uu Dhaco Dagaalkii Sadexaad Ee Dunidu Oo ay Sobobtiisa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|