Wasiirka kalluumaysiga Somaliland oo soo galitaanka maamulka Puntland ee Dhahar sabab uga dhigay gaabis dhinaca Somaliland ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka kalluumaysiga Somaliland oo soo galitaanka maamulka Puntland ee Dhahar sabab uga dhigay gaabis dhinaca Somaliland ah
July 31, 2014 - Written by Editor:

Markaan imika soo noqdo ayaan warbixin dhamaystiran ka keeni doonaa Qarankuna go’aan adag buu ka qaadan doonaa

Dhahar(Wajaalenews) Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed oo wargeyska Waaheen khadka Telefoonka ugu waramay isagoo ku sugan magaaladda Dhahar ayaa sheegay in muddo dhawr iyo toban cisho ah oo uu joogay Gobolka hawlo badan ka qabtay isla markaana uu kala qayb galay qaybaha bulshada shirar muhiim ah oo u socday.

Wasiir Buureed oo aanu wax ka weydiinay sababta uu talaabo uga qaadi waayey Weftiga Reer Puntland ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inay jirto duruufo badan oo u saamaxaya in ay Gobolka soo galaan waxaanu isagoo su’aashaas ka jawaabaya yidhi “xuduudka waxay u jiraan ilaa 28 km, waa meel u dhaw oo ay lug ku leeyihiin, inkasta oo aanay dadku jeclayn, waxaana sabab u ah gaabis dhinaca Somaliland ah. fagaaraha ciidii anaa ka qayb galay oo Dadweynaha kula tukaday iyagu mar danbe ayey yimaadeen, arrintaasina ma dhici doonto in ay laba maamul ka wada shaqeeyaan Gobolka Sanaag Barri, markaan soo noqdo ayaan warbixin ka keeni doonaa qarankuna go’aan buu ka qaadan doonaan. Wali way joogaan waxaanan warbixino u diray Ceerigaabo iyo Hargeysa si talaabo looga qaado walise hawshaasi may fulin.” Ayuu yidhi

Dhinaac kale,Wasiir Buureed waxa uu sheegay duruufo badan oo Gobolka Somaliland inteeda kale ka reebay inay jiraan, balse Dadka Gobolku ay yihiin dad Somalilander ah oo ay haystaan dibu-dhacyo dhinaca arrimaha bulshada ah, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiir Cali Buureed waxa uu sheegay shirarka uu ka qayb galay in ay ugu muhiimsanaayeen kuwo dhinaca Nabadgelyo darro ah oo ka dhashay Dilal iyo aanooyin ay sababeen dhuxulaysatadu, kuwaas oo Gobolka ka abuuray khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaanu xusay in Talooyin muhiim ah laga gaadhay sidii loo soo af-jari lahaa isagoo xusay in dib la isugu soo noqon doono si go’aan looga qaato Magaha ay kala tirsanayaan dadka Dilalku kala gaadheen.

Wasiir Cali Buureed waxa uu sheegay in uu Kormeero ku samayn doono deegaanada Gobolka Sanaag Barri ee aanu wali gaadhin si uu ugu kuurgalo xaaladdaha ka jira deegaankaas oo ah kuwo aad u adag oo ay ka mid yihiin kuwa bulshadu.

Xukuumadda oo Ciidan kala dhex dhigtay laba Beelood oo isku hor fadhiya Duleedka Burco

Burco(Waaheen) xukuumadda Somaliland ayaa shalay Ciidan kala dhex dhigtay Laba beelood oo ku muransan deegaanka Balayga Diiriye Guuleed oo u dhaxeeya deegaanka Din-diinta iyo Booraamo kaga beegan magaaladda Burco dhinaca waqooyi.

Talaabada ay Xukuumaddu qaaday ayaa ka dhalatay kadib markii Ciidan Beeleedyo ka soo kala jeeda beelaha Cabdalla arab iyo reer Biniin oo in muddo ah isku hor fadhiyey dhaqdhaqaaq colaadeed ka sameeyeen deegaanka.

Dhulka la isku haysto ayey mid ka mid ah labada Beelood doonaysaa inay Barkado ka qodato, halka ta kalena ay ka diidan tahay, iyadoo murankaasi sababay in labada Beelood lahaanshaha Dhulkaasi isku maandhaafaan.

Muranka iyo colaada labada Beelood u dhaxaysa ayaa in badan soo taagnayd, hase yeeshee Xukuumadda iyo labada Beelood midkoodna wax Natiijo ah kamay gaadhin sidii Heshiis ama go’aan looga soo saari lahaa khilaafkooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shalay amar ku bixisay in ciidan la dajiyo deegaanka labada beelood isku hor fadhiyaan, waxaana la geeyo Ciidan iyo Tikniko ay Booliiska Gobolku leeyihiin, kuwaas oo ku kala dhex jira labada Reer.

COMMENTS
LINKS