Wasiirka Arimaha Gudaha WARANCADDE Oo Horfadhiistay Eheladda Dadkii JABUUTI Loo Gacan Geliyay +Muxuu Ka yidhi ?””””” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha WARANCADDE Oo Horfadhiistay Eheladda Dadkii JABUUTI Loo Gacan Geliyay +Muxuu Ka yidhi ?”””””
July 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)- Qaar ka mid ah Ehelada Maxaabiistii dhawaan ay Somaliland u dhiibtay Dawlada Jabuuti ayaa la kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-Cade, waxaanay wax ka waydiiyeen sida la sheegay waxa uu ku sugan yahay wiilkoodu nolol iyo geeri kadib markii ay maqleen in wiilkoodu u dhintay jidh dil ay ku sameeyeen ciidanka baadhista Dawlada Jabouti.

Sida ay noo xaqiijiyeen tibaaxo lagu kalsoon yahay oo aanu ku helnay kulankan oo laba cisho ka hor ka dhacay magaalada Hargeysa,ehelada ninkii u shaqaynayay shirkada Jubba Express Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka mid ahaa maxaabiistii dhawaan Somaliland u dhiibtay Dawlada Jabuuti ayaa la sheegay inay kulan la qaateen wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Cali Warancadde,waxa ay wax ka waydiiyeen wax uu ku sugan yahay wiilkoodu nolol iyo geeri,iyagoo u sheegay wasiirka inuu soo gaadhay war sheegaya in wiilkoodu jabuuti ku dhintay. Eheladan oo aad u murugaysan ayaa wasiir Waran Cadde ka codsaday inuu u sheego xaqiiqada waxa uu ku sugan yahay wiilkoodu,meeshana ka saaro arimaha siyaasada,si ay dantooda ugu toosaan oo ay uga go’do wal walka iyo murugadani ku saabsan wiilkooda ee goor walba lagu leeyahay wiilkiinii wuu dhintay iyo muu-dhiman.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa ku qanciyay eheladan inuu wiilkoodii bad qabo oo uu nool yahay,kuna sugan yahay wadanka Jabuuti,isagoo meesha ka saaray inay ku fikiraan in wiilkoodu u dhintay baadhis xun oo lagu sameeyay,waxaa uu wasiirku u sheegay eheladan in dhawaan maxaabiistaasi ay dib u soo celi doonto Dawlada Jabuuti,wiilkooda oo bad qabaan uu ka mid yahay maxaabiista la soo celinayo,isagoo intaa raaciyay inay codsi arintaa ku saabsan ay Somaliland horaantiiba u gudbisay Jabuuti balse ay wali ka sugayaan jawaabta codsigaasi oo ah in dib loo soo celiyo maxaabiistaasi si halkan Somaliland maxkamad loogu saaro.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay go,aankii maxaabiistaasi loogu dhiibay Jabuuti,waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in muwaadiniin reer Somaliland oo wadan aynu jaarnahay tuhunsan yahay aanay fiicnayn in gacanta laga galiyo taasina waxa uu eheladaasi kor iyo hoosba ugu sheegay inay sidaasi ay iyaguba ay qabaan uu la qabo oo aanay dib u dhici doonin kuwan iyo kuwa kale toona in sidan oo kale loo dhiibo.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS