Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Adis Ababa kulamo kula Yeeshay Laamaha Amniga Ethiopia, Sheegayna In Dhakhso Loo Furayo Xuduudka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Adis Ababa kulamo kula Yeeshay Laamaha Amniga Ethiopia, Sheegayna In Dhakhso Loo Furayo Xuduudka.
July 24, 2014 - Written by Wariye:

waran cadeAdis Ababa(Wajaale News):- Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inay Ethiopia isla qaateen in degdeg loo furo Xuduuda Somaliland la leedahay Ethiopia oo mudo xidhnay. Wasiirka oo Adis Ababa kulamo kula yeeshay Laamaha amaanka Ethiopia iyo safaaradda Ingiriiska ayaa sheegay in dhakhso loo furayo Xuudka.

“Sidaad la socotaan, Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia waxay Adis ababa iskugu yimaadeen shir lagaga wada hadlay, sidii loo furi lahaa Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia isla markaana loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal. Runtii waxaanu u nimid sidii arimahaas loo sii xoojin lahaa, waxaanu la kulanay Ciidamada xagga amniga ku shaqada leh, waxaanu la kulanay Safaaradda Ingiriiska ee Adis Ababa, waxaanu la kulanay Kooxda Monitoring Group-ka, dhamaantoodna waxaanu ka wada hadalay sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Hay’addaha ay ka socdeen” ayuu yidhi Wasiir Warancade

Wasiirku waxa uu sheegay inay qaybaha amniga ee Ethiopia ku heshiiyeen in si dhakhso ah loo furo Xuduuda “ Waxaanu kulan dheer la yeelanay, Qolada Amniga ee Ethiopia oo aanu ku heshiinay in si dhakhso ah loo furo Xuduuda, waxaanuna isla qaadanay sidii looga wada tashan lahaa sidii degdeg loogu furi lahaa, waxaana xuduuda loo furayaa si degdeg ah.” Ayuu yidhi Wasiirku

Ethiopia ayaa Arimo dhinaca amaanka ah u xidhay Xuduudeeda ka dib Qarax ka dhacay Bishii May dalka Jabuuti, kaasi oo dadka gaystay uga soo gudbeen dhinaca Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo Ingiriiska ku sii jeeday ayaa Ra’isal wasaaraha kala shiray Arinta xuduuda, iyadoo sidoo kalena uu Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis uu mudo ku sugnaa Ethiopia ka dibna Wasiirka Daakhiliga, taliyaha Socdaalka iyo masuuliyiinkale hadda ku sugan yihiin.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS