Wasiir Cukuse oo Markii u horaysay ka hadlay Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo ceeb u leeyahayna cidkale saaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cukuse oo Markii u horaysay ka hadlay Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo ceeb u leeyahayna cidkale saaray
July 30, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa sheegay inuu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayo Gaf weyn oo Fannaaniinta Xidigaha Geesku ka galeen Somaliland. Waxa uu sheegay inay galeen khalad aan Caadi ahayn.

“Waxaan Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba uga Tacsiyadaynayaa,Khaladka Wayn ee ay Galeen Koox ay Magacooda barteen oo la baxday Xidigaha. Dhalin yaradaasi oo Khalad aan Caadi ahayn gashay, Naftooda ka gashay, Dalkooda ka galay, Fankooda ka galay, Dad-nimadooda ka galay.Waxaan Shacabka iyo Intii Magacooda taqaanayba ka tacsiyadaynayaa Gafkaasi.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Cukuse.

Kooxda Fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska oo Wasaaradda Warfaafinta, siiba TV-ga Qaranka ka tirsan, ayaa Barnaamijka Ciida si Qarsoodi ah ugu duubay Hargeysa, kaasi oo ay siiyeen Telefishanka Qaranka Somalia iyo UniversalTv oo Somaliland ka mamnuuc ah.

Xidigaha Geeska oo Shalay Bulshada Somaliland iyo Xukumadda ka Raaligaliyay Barnaamijyadaasi ayaa sheegay inay ku kaliftay Falkaasi sidii ay Dadka Fankooda xiiseeya ee Somalia iyo meelo kale oo dunida ah jooga u gaadhsiin lahaayeen Barnaamijka Ciida.

Wasiir Cukuse ayaa ka joojiyay Barnaamijkii Ciida ee ay TV-ga qaranka ugu tala galeen, iyadoo u muuqata in laga Mamnuucay Fankooda TV-ga Qaranka tan iyo markii uu soo baxay Barnaamijka ay Telefishanada Somalia ku soo celceliyeen habeenadii u dambeysay.

Agaasimahii Somaliland ee UniversalTv Maxamed Caabi ayaa maalintii 4-aad u xidhan Duubida Barnaamijkan Ciida ee Fanaaniintu duubtay, ka dib markii lagu eedeeyay fududaynta Barnaamijkan oo Xafiiska Universal duubay.

Xidigaha Geeska ayaa Heeso badan oo Qadiyada Somaliland ku qotoma, kuwo Waddani iyo Wacyi galin ahba hore u Qaaday, hase ahaatee waxaa Bulshada Somaliland si weyn isku waydiinaysaa sababta ku kaliftay inay Telefishanada Xamar Hargeysa ugu duubaan Barnaamijyo xatooyo ah.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS