Wasiir Biixi oo Siyaasaddii Khaarajiga Kaga Mashquulay Biyaha Caasimadda Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Biixi oo Siyaasaddii Khaarajiga Kaga Mashquulay Biyaha Caasimadda Hargeysa.
July 8, 2014 - Written by Wariye:

wasiirka arimaha dibadaHargeysa (Wajaale News)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hirgelinta siyaasadda khaarajiga kaga mashquulay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba dalka, iyadoo ay joogaan masuuliyiinta arrimahaas dawladda wakiilka uga ah. Wasiir Biixi waxa lagu daray guddi Madaxweyne Siilaanyo u saaray mashruuc dalka Imaaraadka Carabtu bixinayo oo biyo lagaga soo saarayo degaanka Xunbo-weyne ee woqooyiga Hargeysa oo loogu talogalay in lagu waraabiyo shacabka degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa, ayaa sababay in wasiirka khaarajigu ka mashquulo siyaasadda dibadda ee loo xilsaaray iyo weliba furdaaminta waxyaabaha keenay in dalalka jaarku xadkooda xidhaan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa hore loogu eedeeyey maamulka mashruuca biyaha degaanka Xumbo-weyne oo loo qoondeeyey

degmooyinka aanay biyuhu gaadhin ee caasimadda, iyadoo la tilmaamay in wasiirku biyahaas u weecinayo degaanno aan ahayn kuwa loogu talogalay.

 

Haseyeeshee, guddi Madaxweyne Siilaanyo arrintaas u xilsaaray iyo xubno metelayey degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, ayaa kulan albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay xafiiska Wasiirka khaarajiga shalay, kuwaasoo falanqeeyey sidii biyaha degaanka Xumbo-weyne loo gaadhsiin lahaa xaafadaha loogu talogalay ee koonfurta caasimadda Hargeysa. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in hawsha guddida madaxweynuhu saaray tahay fududaynta in degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax loo gaadhsiin lahaa biyaha laga keenayo degaanka Xumbo-weyne ee woqooyiga Hargeysa. “Halkan (xafiiska Wasiirka) waxa ku shiray gudidayadii Madaxweynuhu magacaabay in ay saddexda xaafadood ee magaaladda Hargeysa biyahooda wax ka qabato. Guddida wasiirrada ah hore ayey u shirtay, maantana (shalay) waxay la shireen odayaashii xaafadaha. Waxaannu doonaynaa in aannu dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba u caddaynno in guddidaa xilka ugu wayn ee saaran yahay in dadka reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba biyo cabbaan. Biyahu waa nolol. Waxaannu doonaynaa in dadkeennu ay biyaha ka haqab-beelaan, dadka wax ina siinayaanna (dalalka iyo hay’adaha taageerada bixiya) waxa ugu horreeya ee ina siinayaan ay biyaha noqdaan. Markaa shirka imminka halkan ka dhacay shir aad iyo aad u wanaagsan ayuu ahaa, wuxuuna ku dhammaaday wanaag oo waa laysku afgartay. Beentii iyo balaayadii (biyaha laga weecinayo degmooyinka loogu talogalay) ee suuqa la geliyey meesha ayaannu ka saarnay, runtuna waxay tahay in aannu nahay guddi qaran oo dad metalaysa oo biyo doonaysa in dadka reer Somaliland meel kastoo ay ka helaan labada oo gacmoodba ku maydhaan,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Mashruuca biyaha laga soo saarayo degaanka Xumbo-weyne waxa Somaliland ka caawinaya dalka Imaaraadka Carabta, sidaa darteed qayb ayuu ka noqon karaa wasiirka khaarajigu marka hawlahaas lagala hadlayo beesha caalamka, balse marka hawshu soo gaadho gudaha waddanka iyo caasimadda Hargeysa, waxa habboon inay maamulkeeda yeeshaan hay’adda dawladda ee arrimahaas ku shaqada leh, iyadoo Wasiir Biixina laga sugayo inuu si fiican u guto hawsha baaxadda leh ee loo xilsaaray, lana xidhiidha meelmarinta siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo beryahan dambe aad looga dayrinayo.

Kulanka ka dhacay xafiiska Wasiirka Khaarajiga ee lagaga hadlay arrimaha biyaha, waxa ka qaybgalay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, waxaannu sheegay in aanay waxba ka jirin wararka suuqa la geliyey ee lagu eedaynayo Wasiirka Khaarajiga, kuwaasoo la xidhiidha maamulka biyaha degaanka Xumbo-weyne. “Waxa laga hadlayey biyahii baryahaaba caasimadda laga waday ee laga hirgelinyay saddexda xaafadood ee Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax oo ah dadka ugu badan ee haraadan ah, iyadoo Hargeysa laga wada harraadan yahay, laakiin arrintan imminka la waday saddexdaa xaafadood ayaa ugu harraad badan ayaa la yidhi. Markaa si wanaagsan oo sharaf leh ayaa odayaashii degaanka ee ummaddu soo wakiilatay oo isugu jitay madax-dhaqameed, waxgarad iyo ganacsato iyo raggii aannu xukuumadda kala kulannay ee guddida Madaxweynahu u saaray si wanaagsan oo sharaf leh ayaa laysula afgartay. Wax la beddelayo ma jiraan, wax la eryayaana ma jiraan, biyo la joojinayaana ma jiraan, Maxamed Biixi Yoonis-na cid uu biyo ka qaadayaana ma jiraan oo wax allaale iyo waxii suuqa la geliyey ee la lahaa Maxamed Biixi Yoonis iyo gudibaa biyaha meel kale u qaadaysa oo inta ay meel ka rarto meel kale gaynaysa waxba kama jiraan,” ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS