|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Arimaha Dibada Oo Ka Hadashay Waxa Ka Soo Baxay Shir Ay Magaalada Diri Dhaba Ku Yeesheen Somaliland Iyo Itoobiya Xili Xuduuda Labada Dal Ay Xidhan Tahay.
July 6, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Wasaarada Arimaha dibada Somaliland ayaa ka hadashay waxa ka soo baxay shir dhawaan magaalada Diridhaba lagu qabtay kaasi oo ay dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya ay kaga wada hadlayeen arimo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal.Waxaana ay sheegtay in ay ka soo baxeen midho wanaagsan oo wax ku ool u ah labad dhinacba. War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Siciid Cali Muuse ayaa waxaa uu udhignaa sida tan: War-Saxaafadeed: Wufuuda shirkan labada dawladood uga qayb gashay oo heer farsamo ahaa, ayaa labada geesood waxay madaxdii kala hogaaminaysay heshiiskaas kala saxiixdeen, iyadoo Duqa magaalada Dire Dhawa uu si kalgacaltooya leh u soo dhoweeyey wefdiga reer Somaliland ee shirkaas ka qayb gelay. Gunaanadka iyo midhaha ka soo baxay shirkan ayaa ku soo beegmaysa Xili ay labada dal ay xidhan yihiin xuduudahooda ay wadagaan,waxanaa aan la garan doonin sida ay qorshayaashani u noqon doonaan kuwo ambaqaad ka yeesha halka laysla gaadhay. Hargaysa Office Related posts:Daawo:Waraysi Xiiso Badan Mid Ka Mid ah Somaliddii Laga Soo Tarxiilay Dalka Maraykanka Oo Ka Warrama... DAWO;-Ciidamada Booliska JSL Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Gacanta Ku Dhigay Khamri Iyo Maandooriyayaal K... Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Uu La Qaatay Masuuliyiinta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|