WAR QAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWAYNAHA SOMALILAND | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR QAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWAYNAHA SOMALILAND
July 3, 2014 - Written by Editor:

Ku:Madaxwaynaha jamhuriyada Somaliland ahmed mahamed siilaanyo

Ka:Liibaan mahamed cismaan.

Asalamu calaykum marka hore salan ka bacdi anigoo ku hadlaya afka dhalinyarada iyo khaasatanba,waxa madaxwayne in badan soo wada galnay halgan dheer kaas oo ahaa talada wadanka in aad mar uun hogaamiso waxa far-xad ii ah hadii aynu himiladii ku soo wada jirnay aanu gaadhnay maantana aad tahay madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland taas oo ii ah farxad gaar ah aad kana soo baxday xisbi kulmiye wakhti xaadirkana ah xisbi xaakimka dalka,waxaanu kugu amaanaynaa adiga iyo xukuumadaada balanqaadyadii dalka in aad intooda badan fulisay markastana aan kugu qadarinayno talada aad wadanka u hayso madaxwayne waxa aanu kuu haynaa fikrado badan oo dhalinyarada qaali ah ee wadanka lagu bad-baadin karo waxa qarankan uga shaqeeya ama ay leeyihiin dhalinyaradu wasaarad shaqadeedu tahay kob-cinta mas-kax fayow iyo jidh caafimaad qaba maanta waxa aad moodaa madaxwayne in shaqadii wasaaradu ama doorkii ay ku lahayd dhalinyarada dalka ay gabtay.

Wasaaradu waa wasaaradaha ugu culus qaranka iyadoo ay dayarta wadanka oo dhan dhisitaankeeda laga rabo hase ahaayee waxaad moodaa in wasiirada loo magacaaba ay moodaan meel liidata oo bilaa bajada magac u yaalna ah taasna waxa u sabab ah ama ugu wacan in aanay aqoon u lahayn wasiirada loo soo magacaaba wasaaradaas ciyaaraha.

Waxa kaloo ay meesha ka saareen la tashigii dadkii aqoonta u lahaa sportska gudo iyo dibadba in ay xidhiidh la sameeyaan.

Mudane madaxwayne waxa 2004tii aynu ka sheekeesanay in hadii kulmiye talada dalka helo in wasaarada ciyaara uu u dhiibo nin dhalinyaroo aqoon u leh isla markaana aynu ka wada hadalnay nin kastoo dhalinyaroo loo magacaaba wasaaradaas qabiilkadoono ha ahaado ay noqoto wasaarad aan ninka dhalinyarada ah ee loo soo magacaabo uu ka madax banaanaado arin qabiil,aqoontiisana ninkastaa ku iman karo wasaaradaas hadii kulmiye guulaysto waynu guulaysaney,hadaba waxa la rabaa inaad madaxwayne soo celiso balamihii inoo dhaxeeyey hadii aynu rabno in dhalinyarada wadanku inta hadhay ee wadanka joogaa inoo bad-baado inta maqana ay xiiso inoo galiso.

Madaxwayne hadii aan kuu sheego dhowr arimood oo lagu bad-baadin karo dhalinyarada wadanka waxa kuu hagaagi waxii ay kaa rajaynayeen dhalinyarada wadanka adigana culays badani kaa hadhi doono arimahaa hadii aan wax kaaga sheego anigoo aan soo koobi karayn arimahaas waa sidana:

1=in dayarta la baro sida kaluunka loola soo baxo isla markaana qalabkii ay kula soo baxayeen la siiyo iyo qalabka kaluunka qaboojiya isla markaana halkaas qayb ka mida dhalinyaradu ku mashquushay kaluunkana u iibkeenaan magaalooyinka uu wadanku ka koobanyahay.

2=in qaar la baro sida miliixda loola soo baxo isla markaana lasiiyo gaadiidkii ay ku soo qaadi lahaayeen.

3=in qaar la baro sida wax loo beerto isla markaana lagu caawiyo qalabkii beeraha halkaasna ay dhalinyar badani ay camal iyo horumar u noqon lahayd.

4=in qaar markay secondary dhamaystaan la baro tababaro ciidan oo kala duwan loo sameeyo isla markaasna uu wadanku horumar gaadhi karo baahidii dhalinyartuna dabool mayso.

Madaxwayne waxaan ku soo gebo-gebeynaya wax-qabadkaagii intiisa badan waad gudatay inta kuu hadhay waa intaasee dhalinyarada wadanka intaa hadii loo qabto waajibaadkoodi waad gudatay taariikhdana way kuu gali madaxwayne.

Wakhtiyadii aynu asxaabta ahayn ee aanu garabkaaga midig joognay iminkaba kaama foginee oo hargeisa iyo xisbiga xaakimka kulmiye ayaanu dhexjoognaaye waxaad ku dhaaran jirtay in aad dhalinyarada reer Somaliland aad bad-baadinayso hadii aad guulaysato,afkaaga iyo qalbigaagaba dhalinyaradu way ku jirtay ee tii maanta ayaa la rabaa anigoo si daacad-nimo ah kugula hadlaya af inankaagi liibaana kugula hadlaya madaxwayne.

Hadaba arimahaas ilaahay hakula qabtee ku dhaqaaq oo ilaahay la kaasho waxa la gaadhi doonaa in dhalinyarada Somaliland ay wadankooda ku horumaraan.

Waxaanan kaaga mahad celinayaa wax-qabad kaagi hore iyo kuwa kuu hadhsanba markastana waxa aan kuu rajaynaynaa guul iyo anagoo ah garabahaaga midig.

WADA SHAQAYNTU WAA FURAHA GUUSHA.

 

WA BILAAHI TOWFIIQ.

 

PREPARED:LIIBAAN MAHAMED CISMAAN.

TELL: 063-4104319.

HOGAANKA DHALINYARADA EE XISBI XAAKIMKA KULMIYE.

COMMENTS
LINKS