War-Deg-Deg ah;Booliska Magaalada Wajaale Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Etoobiyana oo Xidhan xijaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Deg ah;Booliska Magaalada Wajaale Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Etoobiyana oo Xidhan xijaab
July 20, 2014 - Written by Editor:

Wajaale(Waajaale-news):Booliska Degmada Tog-Wajaale ayaa maanta xabsiga u taxaabay nin xijaab xidhan ninkan xijaabka xidhnaa ayaa isaga oon ku guulaysan ujeedadii uu ka lahaa xijaabka boolisku dagmada Tog-Wajaale gacanta ku dhigeen, sida uu noo xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Booliska Dagmada Tog-Wajaale : Cabdiraxmaan Cabdilaahi Madar(Hoos-U Jeed) mar ay shabakada wararka wajaale news kula xidhiidhay khadka tilifoonka oo aaanu wax ka waydiinay Ayaa wuxu yidhi;
Ninkan xijaabka xidhan oo ah nin ajaanib ah oo ka soo jeeda qoomiyada oromada ee ku dhaqan dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay ayaa Maanta suuqa bacadlaha magaalada tog-wajaale ka iibsadey xijaab iyo niqaam isla markaana waxuu xijaabkii iyo niqaamkiiba ku xidhay isla suuqa dhexdiisa kadibna waxaa ku qayliyay shacabkii kolkaa ku sugnaa suuqa sidaasina ugu soo gacan galiyay booliiska magaalada Tog-wajaale.

xijaab xidhan
Arintan ayaa la yaab ku noqotay gebi ahaan dadwaynaha ku dhaqan gudaha magaalada to-wajaale isla markaana ilaa maanta si aad ah looga hadal hayay suuqyada iyo goobaha ijtimaaciga ah ee bulshada ku kulanto ee ku yaala magaalada wajaale.

 

 

 

 

 
lama garanayo sababta rasmiga ah ee ninkaasi ku kaliftay inuu xidho xijaabkaa iyo niqaamka Booliska magaalada wajaale ayaa baadhis xoogan ku haya kiiska ninkan Taliyaha Saldhiga Wajaale: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Madar (Hoos-U-Jeed) ayaa noo sheegay in ninkaasi markii la su,aalay sababta ku kaliftay uu ku andacoonayo in xijaabka uu u iibinayay xaaskiisa isla-markaana uu isku qiyaasayay .

waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco wajaale news

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS