|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakiilka Somaliland Ee Uk Oo Beniyey Qoraal Laga baahiyey Wasiirka Arimaha Dibada maxamed Biixi Yoonis
July 15, 2014 - Written by Editor:London(Wajaalenews)Wakiilka Somaliland u qaabilsan waddanka UK Cali Aaden Cawaale ayaa beeniyey War laga baahiyey Wasiirka Arrimaha dibada oo sheegay in Bogga Twitterka ee wasiirka lagu baahiyey xaalada Caafimad ee Madaxweynaha, waxanu sheegay in warkaasi aanu sal iyo raadtoona lahayn. Sidaasi waxa uu ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Facebook, Waxanu yidhi. “Qoraal been abuur ah oo lala xidhiidhiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Waxa jiray qoraal facebook la soo dhigay xalay oo sheegaya inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland mudane Maxamed Bixi Yonis bog uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay farriin ka hadlaysa caafimaadka Madaxweynaha Somaliland. Haddaba waxan mar dhoweyd la xidhiidhay Wasiirka oo aan weydiiyey arrintaas waxanu Wasiirku ii xaqiijieyey inaanay jirin wax farriin ah oo uu diray, isla markaana aanu lahayn Twitter account-ka la leeyahay waa lagu soo qoray warkan aan sal iyo raad toona lahayn.”
wajaalenews.net hargeisa/office C/raxmaan Related posts:Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Talooyin Muhiim Ah Usoo Jeediyay Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbi... Daawo: Soo Dhawayntii Murashax Cirro Iyo Waftgii Uu Hogaaminayay Loogu Sameeyay Magaalada Berbera Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland oo Shir-gudoomiyey Kulankii 2aad Ee Nafaqaynta Hooyada iyo Dhalanka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|