Waayaha Dhalinyarta,W/Q:Khadar Xasan Cige. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waayaha Dhalinyarta,W/Q:Khadar Xasan Cige.
July 24, 2014 - Written by Wariye:

Kaamboodhiya waa wadan dimuquraadi ah oo uu maamulo boqor oo dastuuri ah (Democratic constitutional monarchy)

Dhalinyartu waa awooda uu wadan leeyahay waana hantida lama huraanka ah ee uu ku faano marka uu tago fagaarayaasha uu joogo cadawgiisa ama cida ay hoos ka tuurada leeyihiin, balse waxaad moodaa waayahan danbe in ay ka dhigeen maamulada adduunka in badan oo ka mid ahi QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN.

Taas oo loo sameeyey haayado iyo ururo dawli ah ama kuwo bulsheed oo ku hawlan inay la shir tagaan magacooda, balse aan wali soo bandhigin wax dhisa garaadkooda iyo maskaxdooda taas oo tusinaysa jihada ay u socdaan iyo halka ay ka soo kicitimeen si loo dareensiiyo masuuliyada wayn ee ka saaran dalkooda hooyo, loona hogo tusaaleeyo oo ay u baraarugaan.

Hadaba ka qoraa ahaan igama aha xumaan,

mucaaridnimo iyo bar tilaamsi shakhsiyaad ama ururo gaara oo taa badheedhaheeda ayaan leeyey balse maanta waxaan halkan ku soo bandhigayaa cilmi baadhis laga sameeyey dalka kamboodhiya 2004tii taas oo u waji eeg ta maanta ka taagan dalkan jamhuuriyada somaliland loona baahanyahay in aqoonyahanka iyo cilmi baadhayaasha dalka joogaa ay u dhaba galaan runtana soo bandhigaan iyagoo kaashanaya haayadaha dawlada ee ku shaqada leh oo ay u horayso wasaarada xidhiidhka golayaasha cilmi baadhista iyo tignoolojiyada, jaamacadaha iyo haayada aan dawliga ahayn kuwo caalami ah iyo kuwo wadani ah labadaba.

Cilmi baadhistiina waa tan ee iga hantiya

Awooda mustaqbalka

Awooda mustaqbalka waa cinwaanka daraasad kooban oo uu sameeyey Yong kim Eng oo qoray buugan kooban ee aan cinwaankiisa kor ku soo  xusnay waxaanu ka qoray ka qayb galka siyaada ee dhalinyarta kaamboodhiya 2004ti

Kaamboodhiya waa wadan dimuquraadi ah oo uu maamulo boqor oo dastuuri ah (Democratic constitutional monarchy)

Caasimadoodu waa phnom penh tirade dadkaasi waxay ahayd13,363,421 (july 2004) luuqada lagaga hadlaa waa khmer, diinta ay haystaana waa Buddhism waxaanay xoriyadooda ka qaateen dalka faransiiska1949kii balse waxaa la aqoonsaday 1953kii.

Dada codaynta loo ogol yahay waa 18 jir lacagta ay isticmaalaana waa Riel

Xigasho:-( official website of the royal government of Cambodia in April 2005)

Kaamboodhooya waxay dagaan ahaan u dhawdahay fiidnaam,koonfurta bada shiinaha,maleesiya,taylaan iyo filibiin.

Kaamboodhiya uu xadidanyahay fursadaha tartan ee xafiisyada dawlada iyo arimaha xuquuqda aadanaha markay ka qayb qaadanayaan siyaasada waa taageerayaal aan awood u lahayn gaadhida goobta go,aan lagu qaadanayo iyadoo ay taasi jirto hadana bulshada kaamboodhiya 70% waa dada u dhaxaysa 14jir ilaa 30jir , daryeelka baahiyaha dhalinyartu kama dhex muuqdaan qorshaha dawlada laga soo bilaabo 1993kii ilaa 2003 lamana samayn qorshaha horumarinta dhalinyarta ee heer qaran.

Dhalinyarta kaamboodhiya waxaa ay la kulmeen dhibaatooyin bulsho oo waawayn oo ay k mid yihiin macaluul, jahli , ka ganacsiga dadka, balwado iyo HIV/AIDS.

Inkastoo xoriyada fikirka, xuquuqda isku soo baxa iyo xoriyada ururada siyaasadeed ay ku qoran yihiin dastuurka, hadana sida xaqiiqda ah xukuumada ayaa cadaadis ku haysay.

Iyadoo ay taasi jirto hadan waxay dhalinyartu sii waday inay aaraahdooda ku gudbiyaan saxaafada, kulano siyaasadeed, abaabul isku soo bax cabasho nabd galyo ah iyo ka go,naansho inay bulshada saameeyaan si loo arko hankooda.

Waa ayo dhalinyartu?

Marka kaamboodhiya la eego waxay ahayd mid aan qeexnayn mana lahayn safiraad sharci ah , wasaarada waxbarashada dhalinyarta iyo ciyaarahu waxay ku qeexday; dhalinyartu waa dada u dhaxaysa 14jir ilaa 30jir.

Ururada siyaasada ee kaamboodhiya mid waliba wuxuu u yaqaan safiraad gooni ah;

Tusaale ahaan:-

Ø  Ururada dadka kaamboodhiya ee CPP wuxuu ku qeexay dada u dhaxaysa 15jir ilaa 30jir.

Ø  Ururka FUNCIPEC wuxuu ku qeexay 16jir ilaa 30jir.

Ø  Ururka SAMRAINSY PARTY wuxuu ku qeexay 18jir ilaa 40jir.

Ø  Ururada samo falka ee dhalinyarta u adeega sida KYA wuxuu ku qeexay dada u dhaxaysa 16jir ilaa35jir.

Tani waxay marag ka tahay sia aan loogu yeelin qiimayn rasmi ah iyo kaalin wax ku ool ah, balse kooxba inta ay danta ka leedahay ayay ku soo koobtaa .

Iyadoo la soo xiganayo ururka xuquuqda aadanaha ee kaamboodhiya ADHOC,2004 waxay ku tusaysaa in ardayda jaamacdaha ka soo baxday ay yihiin43000 waxaana shaqo ka hela 15000 ilaa 20000 taasoo lafjab ku ah dhaqaalaha dhalinyarta.

Waxaa kale oo jirta in caruurta darbi jiifka ahi ay gaadheen 73.3% taasoo 40% ay ahaayeen hablo iyadoo ay shaqo la,aani jirto hadana inta yare e shaysa waxay u badan yihiin warshadaha dharka kuwaas oo lagu bixiyo mushahar yar iyo hawl badan.

Dalka kaamboodhiya dada guurka ee  wiilashu waa 20 sano habluhuna waa 18jir , in loo tartamo golaha qaranka waxaa loo bahaanyay dada25 sano iyo waxa ka sareeya, dhanka kale inaad noqoto golaha baarlamaanka waa inaad ahaato 40jir.

Talo soo jeedinta Qoraalka Yong kim Eng

Qoraha  warbixintani wuxuu ku taliyay qodobadan soo socda;

1.      Dawlada iyo ururada mucaaridka ahi waa inay dajiyaan qorsha fog ee dhalinyarta, iyo siyaasada dhalinyarta e heer qaran, waxay u baahan tahay in laga dhex sameeyo is afgarad dawlada iyo dhalinyarta fulintuna waa u sal in guul laga gaadho.

2.      Waa in dhalinyarta loo qoondeeyaa heer iyo qayb kasta oo dawlada ah taas oo u noqonaysa dhiirigalin iyo tayaynta ka qayb galkooda taasoo wadada u xaadhi doonta dhalinyar badan oo tartamayaal siyaasadeed ah.

3.      Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dhalinyartu waa mid hooseeya dalka kaamboodhiya, laakiin waxaa jira dadaalo lagu helayo dhalinyar badan oo lug ku leh  siyaasada iyo kordhinta awooda dhalinyarta iyadoo loo dhisayo xulufo iyo olole balaadhan oo xuquuq raadis ah.

Wuxuu ku soo gabagabeeyey inay ka qayb galka siyaasada ee dhalinyartu tahay muhiim inuu yimaado is badal iyo horumarinta figrado cusub oo bulshada dhisaya waxaana muhiim ah inay dhalinyartu ka qayb qaadato go,aan qaadashada dalka oo ay u hadlaan ilaaliyaana dantooda iyagoo  u maraya wada tashi iyo siyaasad heer qaran , heer gobol ilaa heer dagmo iyagoo heer bulsho gaadhaya.

Fiiro gaara

HADABA BAL IS BARBAR DHIG SOMALILAND IYO KAAMBOODHIYA

Waxaa qoray:-

yong kim Eng

Waxaa turjumay:-

W/Q:Khadar Xasan Cige

Address: – Email:-gantaal09@hotmail.com /phone:-0634183036

COMMENTS
LINKS