Waano Iyo Wax Sheeg Ramadaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waano Iyo Wax Sheeg Ramadaan.
July 1, 2014 - Written by Wariye:
  • Waxa aan salaamayaa umadda Islaamka meel ay joogaan ba Ramadaan mubaarak sannad walba

    29 / 6 / 14

    Waxa  aan  salaama-yaa  warbaahinta

    Madaxa  bannaan

    Waxa  aan  salaamayaa  umadda

    Islaamka  meel  ay  joogaan ba

    Ramadaan  mubaarak  sannad  walba

    Idinkoo  khayr  iyo  Baraka ah

    Waa  halabuur  wax  sheeg  iyo

    Waano  ramadaan

    Waa  ayaama  barakale

    Iftiin-keenna  dunidiyo

    Waa  bishii  ilaahay

    Axkaam-tiyo  ( QUR,AAN ) kiyo

    Soo  rogay  ammaan-kaa

    Dadku  eeganaa-yee

    Intifaaca  laga  helo

     

    ( AL-RAXMAAN ) siduu  yidhi

    Wuxuu  aadmi  falo  khayr

    Isagaa  dhammaan-ba  leh

    Bishan  amarka  weynee

    Umadaha  la  yidhi  soon

    Ilaa  yoom  idlaadoo

    Eedaanka  fiid  kii

     uu  adimayo  shiikhii

    wax  afkaa  la gelinayn

    Wuxu  yidhi  anays-kale

    Ajarkeeda  bixiyoo

    Mana  iisho  ruuxii

    Siday  tahay  u  aadaa

    ilaaqaha  denbiga  dhala

    Yo  afxumaba  joojee

    Edebtiyo  xishood  kiyo

    Ahlul  khayrka  weheshada

    Dan yar

    tiyo  agoon  tiyo

    Ubadkaa  derbiga  yaal

    Eegmada  kalgacal  iyo

    Yaan  ogaalka  laga  tegin

    Ka  adduunka  haystaa

    Faqiirkaa  agtiisa ah

    Lagu  eega  yaayoo

    Imtixaan  ( RABBAA ) jira

    Haka  awdin  dhega-hoo

    Isha  yaad  ka  lalinine

    Adigay  dankuu  tahay

    Aa  wadood  denbiga  badan

    Oo  gadaada  yaaluu

    ( ALLA  ) kaaga  dhaafaa

    Ajar  buuran  baa  yaal

    Waxaad  maal   abuurtee

    Ka  amuugan  dacalada

    Intaad  sadaqaday-saad

    Abid kaaba  leedee

    Balsidaa  ogsoonaw

     

    Axsaan  tiyo  wanaagiyo

    Eraygii  xishmayn-laa

    Samo  kuu  abuuree

    Afka  bara  jacayl-kiyo

    Hadal-kii islaam-nimo

    Ifka  laguma  waaroo

    Aa  khiraa  danbaysee

    Yaad  urursan booliga

    Sida  looga  eed  baxo

    Manta  aadamaa  jira

    Addoo  weeye  daacada

    Satalayt  adduun-kaa

    Wax kastaba  arkaayoo

    Lama  aamusiin  karo

  • Curiye  .  waa  .  moholin
COMMENTS
LINKS