Ururka Al-shabaab oo soo Bandhigay Laba Shardi oo Lagu Joojin Karo Weerarada ay ku Qadaan Dalka Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Al-shabaab oo soo Bandhigay Laba Shardi oo Lagu Joojin Karo Weerarada ay ku Qadaan Dalka Kenya.
July 8, 2014 - Written by Wariye:

ALSHABAABNairobi(Wajaale News)- Ururka Al-shabaab, ayaa hanjabaad kulul u diray dawladda iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan dalka Kenya, kadib markii ay weeraro khasaare badan sababay ka fuliyeen gudaha dalkaas toddobaadkan, isagoo sidoo kale soo bandhigay shuruudo weerarkaaas lagu joojin karo.

 

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo saxaafadda u warramay, ayaa sheegay in shardiga ugu horreeya ee ay ku joojin karaan weerarradoodu yahay in Kenya si degdeg ah ugala baxdo ciidankeeda ka jooga Soomaaliya, haddii kale ay sii xoojin doonaan xiliyada soo socda weerarada ay ka gaysanayaan gudaha dalka Kenya, isagoo shacabka iyo dawladda dalkaas ugu baaqay inay fuliyaan shuruudaas ah sidii ay ciidamadooda uga saari lahaayeen gudaha Soomaaliya, haddii kale ay weerarrada ku sii socon

doonaan illaa dalkaas ammaankiisa uu faraha baxo.

 

“Kenyaanka waxaan u sheegeynaa ku bishaaraystaan in weerarradu aannay ka joogsan doonin inta ay ciidamadiinnu ku sugan yihiin dhulkeenna, haddii aad kala baxdaan oo aad noo ogolaataan inaan sidii aan doonno dhulkeenna ugu noolaanno, weerarradu way idinka joogsan doonaan,” ayuu yidhi Afhayeenka Al-shabaab” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka Al-shabaab.

 

Waxa kaloo uu sheegay in weerarkii lagu qaaday habeenkii Sabtida  deegaanno ku yaal xeebta dalka Kenya ay qayb ka yihiin weerarro joogto ah oo ay qorsheeyeen inay Kenya ka fuliyaan xiliyada soo socda, isagoo sheegay in maxaabiista muslimiinta ah ee ku xidhan gudaha Kenya xoriyadooda loo celiyo yahay shardiga labaad ee weeraradaas lagu joojin karo.

 

“Weerarradu sidoo kale way socon doonaan illaa ay xabsiyada ka sii daynayaan dadka muslimiinta ah ee xidhxidhan, ayna u ogolaanayaan inay si xor ah u noolaadaan oo diintooda isku xukumaan,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

 

Afhayeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay u dhintaan wallaalahooda xabsiyada ugu jira xukuumadda Kenya, ayna isugu mid u tahay geerida iyo nolosha, isagoo ugu lab qaboojiyey inay sabraan ayna xlili aan dheereyn xoog ku soo furan doonaan.

 

Ku dhowaad 150 qof oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka Kenya, ayaa lagu dilay weeraro bil gudaheed ka dhacay gobolka xeebta Kenya ku taal  Lamu degaano, kuwaasoo ay sheegatay Al-shabaab, waxaanna weeraradaas lagu gubay gaadiid fara badan iyo dhismeyaal.

 

Jamhuuriya.

COMMENTS
LINKS