Tobanka Dambe Ee Ramadaanta Iyo Habeenka Laylatul Qadriga …….W/Q : Abdirisak Sugulle Said. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tobanka Dambe Ee Ramadaanta Iyo Habeenka Laylatul Qadriga …….W/Q : Abdirisak Sugulle Said.
July 24, 2014 - Written by Wariye:

In uu odeyga reerku qoyska kiciyo si ay khayrkan uga qayb galaan. Nabigu (csw) habenadan reerkiisa wuu toosin jiray si ay fursadan uga faa’idaystaan

TOBANKA DAMBE EE RAMADAANTA IYO HABEENKA LAYLATUL QADRIGA

KUSOO dhawaada waalayaal

Fadliga bisha ramadaan tobanka ugu danbeeya waxaa ku jira habeen aad u khayr badan oo lamid ah adiga oo 1000 kun bilood ama (83 yrs) qiyaas ahaan  cibaadaysanayey alle swt hayna waafajiyo, waxaa umada muslimiita ah looga baahanyahay inay ku dadaalaan cibaado dheeraad ah oo ay la yimadaan 10ka danbe ee bisha ramadaan, cibaadada looga baahanyahay waxaa ka mid ah:…..

(1) Waxaa loo baahanyahay in habeenkii cibaado lagu nooleeyo. Nabigu (csw) habenadan waa uu noolayn jiray. Waxa uu ku noolayn jiray Quraan akhris badan, dikriga Alle, Salaad, duco iwm.

(2) In uu odeyga reerku qoyska  kiciyo si ay khayrkan uga qayb galaan. Nabigu (csw) habenadan reerkiisa wuu toosin

jiray si ay fursadan uga faa’idaystaan. Waxa aan is leeyahay dhaqankani waa dhaqan hadii la samayn lahaa uu Alle dhibaatooyin badan gudo iyo dibadba dadka Soomaalida uu ka qaadi lahaa ama ka faydi lahaa.

(3) In qofkii awoodaa uu tobankan cisho masaajidka fadhiisto (ictikaafo). Sida ay Caa’isha soo warisay nabigu(csw) tobanka cisho ee Ramadaan ugu danbeeya waxa uu ku ictikaafi jiray Masaajidka. Dhaqankan kama tagin nabigu (csw) ilaa uu ka dhimanayay.

(4) In aynu ku dadaalno raadinta habenka Layltul-Qadriga. Laylatul Qadrigu waa habeen ka mida habeenadan tobanka ah. Habenka uu yahay la iskuma raacsana ka uu yahay laakiin waxa ay u badan tahay in uu ku jiro habenada kisiga ah ee tobankan haben ka mid ah. Waxa ayna ugu sii badan tahay in uu yahay habenka 27 aad. Fadliga habenkan kor ayaan ku soo sheegnay. Sidaa darteed waa in aynu aad ugu dadaalnaa sidii loola kulmi lahaa.

(5) In khilaafka iyo doodaha aan khayrka lahayn laga fogaado, isla markaasna hadii ay jiraan cidii uu khilaaf idinka dhaxeeyo waa in aad la heshiiso. Waxa la soo wariyay in cibaadooyinka dadka is khilaafsan aan kor loo qaadin ilaa ay ka heshiinayaan, Sidaa darteed hadii ay jiraan dad uu khilaaf idinka dhaxeeyo ku dadaal in aad la heshiiso.

(6) In sadaqada la badsado. Khaasatana in la bixiyo Sakooyinka fidriga iyo ta maaalkaba. Xusuuso in ay jiraan dad sida aad u soontay u sooma laakiin aan maalinta ciida hasyan wax ay ku ciidaan. Isku day maalmahan in dadka aad caawiso oo aad ka farxiso.

Gabgabdii habenadani waa habeeno barako iyo khayr badan. Hadii uu sanadkan Alle fursadan ku gaadhsiiyey ma hubtid in ay mar kale ku soo mari doonto fursadni ee ka faa’idayso. Dad badan oo sanadkii hore waqtigan oo kale inala joogay, sanadkan inalama joogaan oo aakhiro ayay u socdaaleen. Inagana waxa laga yaabaa in aynaan sanadka soo socda Ramadanteeda tobanka ugu danbeeya aynu gaadhi wayno ee daqiiqad kasta oo daqiiqadaha tobanka cisho ah aynu ka wada faa’idaysano……………………………….

 

W/Q : ABDIRISAK SUGULLE SAID

   

 

KAMPALA , UGANDA

COMMENTS
LINKS