= Timirtii horreba Dab loowaa…… Garyaqaan Ahmed Nour Guruje. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
= Timirtii horreba Dab loowaa…… Garyaqaan Ahmed Nour Guruje.
July 6, 2014 - Written by Wariye:

Waxa kale oo degmooyinkani wiiqeen , is dhax-galki bulshadda , iyo wax wada lahaanshihii , iyaddoo Degmo waliba ku suntan tahayh ,

Ayaamahan waxaa Soo baxayay , Khilaafyo ku saabsan , Xadka , Degmooyinka Hargaysa Salaxley , Hargaysa Bali-gubadle , kuwaasoo isku hayey , Meelo ah duleedka Magaaladda Hargaysa .
 

Waxa kale oo iyana jirta , In Dalka Somaliland ee ka kooban , 6 Degmo ee 1960 kii , Ingiriisku ka tagay , oo isu rogay Gobollo ay ka dheegmeen , Degmooyin , Tirro badan iyo 7 gobol marka aan laggu darin , gobolkan cusub ee maanta la magacaabay ee Taleex , kuwaas oo aan lahayn Xuduudo iyo sohdimo la isla ogolyahay .

Waxa dhibaato badani ka jirtaa kala xadaynta , Goboladda iyo degmooyinka taasoo ah hawl baaxadle iyo

qabyo qaranka u taalla , Fardaaminteeedda lagu dhici laayahay .

siddaas oo ay tahay xukuumadihii Somaliland u kala dambeeyey waxay qaateen , laba aragtiyood , oo kala ah , in Degmooyinka cusub iyo Gobolada cusub , si ku meel gaadha isaga daayaan , kuna hakiyaan ,Xuduud la aan , Degmooyinkana Derejada 4 aad ee ” D” , kuwaasoo ah , degmo aan buuxin .iyo inay hadana mar walba kusii daraan , degmooyin cusub, kuwii horre ee aan kala xadaysaynayn .

Taasina waxay dhalisay in wadankii noqdo , Degmooyin aan kala lahayn xuduud oo is wada saaran , tusaalle markaad ka bilowda Degmadda Bali-dheeg ee xadka Somaliland iyo Itoobiya ilaaa Degmadda Magaaladda Cad ee galbeedka wajaalle ee iyana Xadka Itoobiya , way yartahay Tuulle aan Degmo laga dhigini .

Bal eeg , Magaalle Cad , Wajaalle , Geed-balaadh, Allay baday , Farowayne , Bali-cabane iyo Bali-gubadle , waaa wadda degmo , hadana labaadda isugu fogi waa 10 Km , wadanka kalena waa la midd .

Waxa kale oo degmooyinkani wiiqeen , is dhax-galki bulshadda , iyo wax wada lahaanshihii , iyaddoo Degmo waliba ku suntan tahayh , Ardaa gooniya , markaa waxaa ila quman in Degmooyinka la horgeeeyo golayaasha , lana kala shaandheeyo iyaddoo la raacayo , Hanaan la dejiyey oo waafaqsan xeerka Goboladda iyo Degmooyinka .

Waana in laggu saleeyaa , Siyaasadda guud oo ku dhisan , La dagaalanka qabyaaladda , is dhexgalka bulshadda , fidinta maamulka iyo socodsiinta sharciga iyo dawladnimadda .haddii kale xaalku wuxuu noqonayaa Timirtii horreba dab loo waaa .

COMMENTS
LINKS