Tartanka Al Waxyayn Ee QUR’AANKA Iyo XADIISKA Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Hotel Ambassador ‘Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tartanka Al Waxyayn Ee QUR’AANKA Iyo XADIISKA Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Hotel Ambassador ‘Daawo Sawiro
July 15, 2014 - Written by Editor:

Hargaisa (Wajaalenews)- Waxa si rasmi ah uga furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaisa Wareegii 2aad ee Tartanka QUR’AANKA iyo XADIISKA ee Al Waxyayn ee Sanadkan 2014

14(1).

 

 

 

 

 

Tartanka Al Waxyayn, waa tartanka ugu balaadhan ee ka qabsooma Jamhuuriyadda Soomaliland. Sanadkan waxa tartanka ka qayb galay arday dhan 681 tartame oo isugu jira hablo iyo inamo, kuwaas oo ka kala socda gobolada Maroodi Jeex, Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Tartanka Al Waxyayn, waa tartankii ugu horeeyay ee Somaliland laga hirgaliyo iyadoo si siman loogu tartamayo labada waxyi (Qur’aanka Iyo Axaadiista Nabiga S.C.W). Qaybta Qur’aanka waxay ardaydu ku kala tartamayaan 10 Jiz, 20 Jiz Iyo 30 Jiz halka qaybta Xadiiska lagu tartamayay laba kitaab oo kala ah: Arbaciin Anawawi Iyo Cumdatul Axkaam.

e4kkssss

Tartanka Al Waxyayn waxa maalgalintiisa ka qayb qaata muxsiniin kala duwan oo ay hormuud ka tahay shirkadda Telesom, Ambassador Hotel, Jubba Airlines, Hay’adda Caalamiga ah ee xifdiga qur’aanka iyo Hay’adda Dar Al Bir.

Wareegan 2aad ee tartanka waxa ka qayb gali doona 188 Arday, waxaanu socon doonaa 16 – 18 Ramadaan oo ku beegan 14 – 16 July, 2014 Iyadoo Xafladda Abaalmarinta la qaban doono maalinta Jimcaha Insha Allaah.

COMMENTS
LINKS