Tahriibayaal ku Haligmay badda oo Maydadkoodii laga helay Xeebta Jasiiradda Lampedusa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tahriibayaal ku Haligmay badda oo Maydadkoodii laga helay Xeebta Jasiiradda Lampedusa
July 20, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Ciidamada badda ee Dowladda Talyaaniga ayaa helay maydka 18 ruux oo la socday dooni ay la socdeen boqolaal tahriibayaal oo maalintii Sabtidii ku qalibantay meel u dhaw xeebaha dalka Talyaaniga.

Walaa;adda wararla ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in badanka dadka tahriibayaasha ah ay u dhinteen qiiq sun ah oo doontu sii daysay.

Doontan oo ay la socdeen 600 qof, ayaa kahor inta aanay qalibmin ku sugnayd badhtamaha Koonfurta Jasiiradda Lampedusa oo ah marinka ugu weyn ee dadka tahriibayaashu ay ka galaan dalka Talyaaniga.

Diyaaradda nooca oo yaqaan Helicopterta, ayaa goobta doontu ku qalibantay ka qaaday laba qof oo xaalladooda caafimaad aad u liidatay, kadibna loo qaaday cusbitaalka Palermo ee ku yaal magaaladda Sicily

Dawladda dalka Talyaaniga ayaa hore uga digtay maraakiib nooca ganacsiga ah oo goobahaas inta badan mara, taasoo 148km u jirta jasiiradda Lampedusa.

Aqoonsiga dadka la badbaadiyey, ayaa waxay ka soo kala jeedaan dalalka Gambia, Mali iyo Ghana, sidoo kale, dawladda dalka Talyaaniga ayaa gurmad isugu jira ciidamo iyo markab u dirtay goob kale oo ay ku sugnaayeen tahriibayaal ka kooban 2,186 qof oo ku dhibaataysnaa badda dhexdeeda, waxaanay dhalasho ahaan ka soo kala jeedeen dalalka Masar, Soomaali, Ghana, Eritrea iyo Suuriya.

Warbixintii u dambaysay ee ka soo baxday dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in isla sannadkan oo kaliya ay dalka Talyaaniga soo gaadheen tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 80,000 oo qof, taasoo ay ka badan tahay marka la barbardhigo tiradii hore oo ahayd 60,000 oo qof,

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS