TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN SOMALILAND | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN SOMALILAND
July 19, 2014 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE  KU-XIGEEN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe Duraan oo ku geeriyooday 19.07.2014 Gobolka Buuhoodle.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Mudane. Cismaan Garaad Soofe Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinkaee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Garaadku.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE inaga siiyo dhamaanteen.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS