SOMALILAND: MAXAA HOWL INOO QABYO AH!!Kala-Xadeynta Awoodaha Dowlada?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND: MAXAA HOWL INOO QABYO AH!!Kala-Xadeynta Awoodaha Dowlada??
July 2, 2014 - Written by Editor:

……….Nina dunida kelidii Qoodh kama noqdoo Qalin horaa yaale,

Waa waxa Fircoon loo qaraqey qoor la fidiyaaye,…………

 

(Gabyaa: C/llaahi Suldaan Max’ed-Timacade-).

Hagardaamo iyo howl joogto ah ayaa bani’aadamku kala kulmayaan hayaanka maalinlaha ah ee nolosha bulshada. Waa hubaal in uu jiro kala duwanaansho dhinacyo badan oo ay sabab u yihiin wadciga iyo dhaqamada bulshooyinka ee kala duwan; qaaradi qaarad kale la mid ma aha, bulshana bulsho kale la caado ma aha, noloshana si uma wada waajayaan bulshooyinka dunida dacal illa dacal. Waxaaba ugu weyn sababaha ayaa la odhan karaa iyada oo aaney jirin caqiido ay ku midaysan yihiin ummadaha dunida maanta ku nooli; qaar baa cawaan ah, qaar baa masiixi ah, qaar baa muslimiin ah, qaar baa cunsuriyada u gaar ah aamisan, qaar baa buudhisam aaminsan IYO waxyaabo kale oo badan!!!!!!!

Haddaba, nidaamka TALO-WADAAGA-Democracy- ayaa ah mid si weyn awood ugu leh nidaamka dowladnimada inta badan dunidani maanta aynu ku nool nahey ku fuliso howl maalmeedkooda is-maamul ee bulsho. Waayo, fursada oo saacidey rubuc qarnigii ugu dambeeyey ee Qarnigii labaatanaad dhamaadey. Nidaamkan ayaa ah mid ay si weyn dabada uga riixaan oo ugu olloleeyaan hirgelintiisa inta badan dowladaha dunida ugu awooda iyo dhaqaalaha badan ee reer Galbeedka. Waxaaney tani sii xoogeysatey intii ka dambeysey dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Galbeedka iyo Bariga bilowgii sannadii 1991kii.

Marka laga tago dulucda, raad-raaca taariikheed ee sidii uu ku curtey habkani TALO-WADAAGU (Democracy system), maraaxilkii uu soo marey, iyo sabaha keeney in uu manta sidatan weyn u awoodeysto, waxaa is weydiin leh mucda iyo xubnaha ugu muhiimsan ee uu ka kooban yahey???? Inta badan nidaamkani waxaa uu waajibinayaa ka qeygalka si toos ah iyo si dedban labadaba talada ummada ama wadanka ee muwaadiniinta. Dowladaha qaar waa baarlamaani (the parliamentary system), qaarna waa hab madax-weyne iyo ku-xigeen (the presidential system), Kuwo kalena waa hab boqortooyo maamuus leh sida Ingiriiska, Dhenmaak, Sweden IWM. Qaabka dowliga ah dunida qaar waa nidaamka federaalka qaar kalena waa midkani urruursan (unitary system), kuwo kalena waa habka xukun keli-talisnimo.

Haddaba, wadankeena Somaliland waxaynu cuganey habka Madax-weyne iyo ku-xigeen oo la mid ah kani Mareykanka iyo wadamo kale iyada oo qaabka dowladeenu yahey midkani urrursan (unitary system). Sidaa darted, waxaa uu dastuurkeenu waajibinayaa awoodaha kala XADEYSAN EE WAAX KASTA OO DOWLADA KA MID AH. Waa awooda fulinta, tani sharci-dejinta, iyo middani garsoorka oo middiba kani kale ka madax-banaan tahey isla markaan u filan tahey iney illaliso is waafaqsan kala xadeynta dastuurka. Sidoo kale ayuu dastuurku qeexaya qaabka wada-shaqeyneed, isla-xisaabtanka, iyo cugashada masuuliyada oo xilliyeysan inta badan sida doorashada madax-weynaha iyo ku xigeenka, doorashada goleyaasha sharci-dejinta iyo middani dowladaha hoose.

 

Bal aynu si fudud u jaleecno sida dastuurkeenu u kala xadeeyey dowladnimadeena maanta aynu ku naaloooneyno:-

Awooda Fulinta:-

 Waaxda fulinta oo ka mid ah saddexda tiir ee ku qeexan nidaamka dowladnimada qarankeena ayaa dastuurku siinayaa awoodahan sida ku cad Qodobka 90aad ee dastuurka:-

AWOODAHA MADAXWEYNAHA

Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dowladda. Si uu u gudan karo xillalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:-

  1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.

Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada.

 

  1. Magacaabidda iyo xil-u-kala wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:-

 

  1. Hanti-dhowraha Guud.
  2. Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
  3. Guddoomiyaha iyo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawadda;
  4. Xisaabiyaha Guud;
  5. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha;
  6. Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
  7. Danjirayaasha;
  8. Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo
  9. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-u-kala wareejintooda.

 

  1. Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Taliyaha Guud (Commander-in-Chief).

 

  1. Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay’adaha ku shaqada leh.

 

  1. Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.

 

  1. Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials).

 

  1. Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah, urrurada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.
    1. Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.

 

  1. Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah.

 

  1. Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;

 

  1. Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.

 

  1. Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.

 

Qodobka 91aad ayaa isna qeexaya awooda Madax-weyne xigeenka sidatan:-

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku wuxuu awood u leeyahay:-

 

  1. Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.

 

  1. Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.

 

  1. Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-

b. Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.

t. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;

j. Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo

x. Geeri ku timaada.

Awooda Sharci-dejinta:-

 

GOLAHA WAKIILADA:

 

Qodobka 53aad ayaa tilmaamaya AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA oo ka mid ah labada qeybood ee baarlamaanka JSL mid ahaan:-

  1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.

 

  1. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

 

  1. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo arroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

 

  1. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinayaa Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.

 

  1. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole {Golaha Wakiilada & Golaha Guuritada} oggolaansho.

 

  1. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.

 

  1. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka oo ay hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.

 

Intaasi waxaa dheer oo qodobka 54aad tilmaamaya awoodo kale oo dhinaca maaliyada ah:-

 

Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:-

 

  1. Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga.

 

  1. Aasaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu urrurinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya.

 

  1. In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiimo dammaanadeed.

 

  1. Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.

 

GOLAHA GUURTIDA:

 

Qodobka 61aad ayaa tilmaamaya AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA GUURTIDA sidatan:-

  1. Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

 

  1. Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-guddoonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.

 

  1. Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada.

 

  1. Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madaxdhaqmeedka beelaha.

 

  1. U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydiinta gudashada xilkooda.

 

  1. Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go’aana uga gaadho.

 

AWOODA GARSOORKA:-

 

QAYBTA AFRAAD XUBINTEEDA 1AAD AYAA TILMAAMAMAY WAAXDA GARSOORKA.

 

Qodobka 97aad oo isla qeybtani afraad ka bilaabanto ayaa sheegaya Awooda Waaxda Garsoorka sidatan:

  1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.

 

  1. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.

 

QODOBKA 98AAD sii faah-faahinaya Doorka Garsoorka sidatan:-

 

1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:-

 

  1. In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.

 

  1. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah amadadweynaha dhexdooda.

 

  1. Inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

 

  1. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.
  2. Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya.

 

Haddaba waxaa isweydiin leh maanta howlaheenu ma saxbaa mise qalad ayaa jira ummad ahaan gaar ahaan cida awooda dowladnimada inoo heysa????? Waa mid u baahan u fiirsasho, dhugasho, iyo ka warheyn mugeeda leh si aynu isu saxno wixii arrimahaan ka qaldan ka hor inta aan talo-faraha ka bixin!!!! Waa waajib ina wada saaran guud ahaan muwaadiniinta ahaan gaar ahaan inta xilka ummada u heysa derajo kasta oo ay tahey.

 

Gunaanad, haddaba waxaa jira isu-milan xoogan oo ka jira dhamaan waaxyaha dowladnimadeena; fulinta, sharci-dejinta, iyo garsoorka. Arrintani oo si weyn u soo shaacbaxdey intii dowladani Madaxweyne Axmed Max’ed Max’uud-Siilaanyo- talada qabatey mana qarsoona sida taladu gacan kaliya ugu urrurtey. Haddaba, waxaa Madaxweynaha la gudboon in uu sixitaan deg-deg ah ku sameeyo inta aaney xaaladu sii murgin isla markaan gaadhin meel aan dabiib laheyn sida cudurada aan dawada laheyn Alle inaguma keeno eh’.

 

Aan kaga baxo ODHAAHDII AAN KU BILAABEY MAQAALKA KOOBAN EE SOMALILAND: MAXAA HOWL INOO QABYO!!!!!!

 

 

Qalinkii:Mustafe Suleymaan Cilmi (Cajuul),

Hargeysa, Somaliland.

Cell: 00252 (0) 63 4137470.

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS